Sunday 4 June 2017

XOG: Howl-gal ay ka wada qayb-qaateen Puntland,DF iyo Koonfurgalbeed oo lugu burburiyey shabakad ka tirsan al-Shabaab oo ka howlgali jirtay Boosaaso


Ciidanka amniga Puntland
Gaalkacyo (RBC Radio) Howl-gal saddex geesood ah oo laga fuliyay magaalada Boosaaso ayaa lugu burburiyay shakabad ka tirsan ururka al-Shabaab oo weerarro iyo dilal ka fulin jirtay magaalada Boosaaso,sida ay ilo xogagaal ah u xaqiijiyeen Raxanreeb.
Howlgalka inta uu socday waxaa ka wada qayb-qaatay ciidamada amniga Puntland oo xogo iyo siro ka helayey maamulka koonfur-galbeed iyo dowladda faderaalka.
“Hay’adaha ammaanka Puntland,muddo ayey ku mashqulsanaayeen sidii shakabada al-Shabaab ee weerarrada ka fulisa magaalada Boosaaso loo bur burin lahaa.” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada amniga Puntland oo la hadlay Raxanreeb,wuxuu inta ku darray ” Ciidanka Puntland oo kaashanaya xogo ay ka heleen maamulka Koonfurgalbeed iyo dowladda faderaalka ayaa ku guuleystay shakabadda in la soo afjaro.”
Xubno kale oo la tuhunsan-yahay inay gacan siin jireen shakabadda al-Shabaab ee weerarradda ka geysan jirtay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa wali lugu daba-jira,sida u xaqiijiyay sarkaalka la hadlay Raxanreeb oo sheegay inuusan fasax u heysan bixinta xogta uu la wadaagay Raxanreeb,taaso qasabtay inan la baahin magaciisa.
“Dadyow kale ayaa jira oo gacan siin jiray kooxdan qaarkood ayaa Boosaaso ku sugan,waana lugu daba jira.” ayuu yiri.
Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliya, Sarreeyo Guute Bashiir Cabdi Maxamed ayaa safar deg deg ah ku soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,sababo lugu sheegay shakabadda ay bur buriyeen ciidamada amniga Puntland.
Ilaa hadda Puntland ma aysan soo bandhigin faah faahin ku saabsan shakabadda ay ku guuleysteen ciidamada amniga in la bur buriyo,waxaase la filaya xilli dhow warbixin arrinta la xiriirta in la soo bandhigo.
Labadii sanno ee ugu dambeysay weerarrii ugu badnaa ee ka dhaca Puntland,waxaa laga fulinayay magaalada Boosaaso,halka oo la sheegay shakabad xooggan oo ka tirsan al-Shabaab inay ka howlgalli jireen,kooxda oo hadda la sheegay in la bur buriyay.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...