Sunday 4 June 2017

Weerar bambaano oo caawa lagu qaaday guriga Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan

June 04 (Jowhar)— Bam gacmeed ayaa caawa fiidkii xilliga Afurka kadib lagu weeraray Guri uu degenaa Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Axmed Salaad Ibraahim.
Sida ay sheegayaan wararka weerarka bambaano ayaa la sheegay in aanay wax khasaare ah geysan.
Guriga la weerar ee Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ayaa ku yaala meel ku dhow xarunta maamulka degmada.
Dad goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa kadib ay xaafada soo gaareen, ciidamada amniga, kuwaasoo howl gallo kooban sameeyay.
Dacyaad amni ayaa soo wajahay Guddoomiyeyaashii degmooyinka ee xilka laga qaaday, waxaana dhowaan ay sheegteen inay xuquuq uga maqan tahay Gobolka Banaadir oo ah mushaar afar bilood iyo guno ilaalada la siin jiray.
Inta badan waxaa caadi ah in marka qof mas’uul xilka laga qaado in sababo dhaqaale uu iska kala yareeyo ilaaladii badneyd ee waardiyeyn jiray marka uu xilka hayay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...