Saturday 3 June 2017

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo kulan deg deg isugu yeeray Madaxda dalalka IGAD

June 03 (Jowhar)— Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ku baaqay kulan deg deg ah oo Madaxda IGAD ka yeelanaya xaalada cakiran ee ka jirta Koofurta Sudan, kaasoo todobaadka soo socda ka dhacaya Addis Ababa
Warqad uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya u qoray Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayuu ku sheegay in wali uu sii socdo dagaalada iyo rabashadaha ka jira dalkaas, iyadoo ay jireen xabad joojin horay loo gaaray.
Hailemariam Desalegn oo ah Madaxa Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in loo baahan yahay in xal waara laga gaaro xaalada ka jirta Koofurta Sudan, isla markaana Madaxda Gobolka ay ku hadlaan cod mideysan.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa walaac ka muujiyay xaalada bani’aadanimo ee xilligan ka jira Suudaanta Koofureed, iyadoo ay sii socdaan rabshadaha iyo dagaalada u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka.
12-ka bishan oo ku beegan maalinta Isniinta ee todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa inuu shirka ka furmo magaalada Addis Ababa, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madaxda 7 dal ee ku bahoobay urur goboleedka IGAD.
Urur Goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay Soomaaliya, kana mid aheyd dalalkii aas aasay ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu ka qeyb galo shirkaas, oo noqon doona kii u horeeyay.
Bishii June ee sanadkii hore ayay aheyd markii uu bur buray heshiiskii nabadeed ee ay gaareen Madaxweyne Salva Kiir iyo Hoggaamiyihii Mucaaradka Reik Machar, waxaana isku dhac dhex maray ciidamada kala taageersan labada dhinac uu sababay in Mr Machar ka baxo Caasimadda Jubba, isla markaana ka tago dalka oo dhan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...