Tuesday 6 June 2017

Qadar Airways oo in badan Isicmaashay Hawada Somalia tan iyo markii Dowlado badan Xariirka u jareen Qadar

Dowlada Qadar ayaa xiligan la kulmeysa cadaadis badan oo kaga imaanaa qaar kamid ah Wadamada Carabta, kuwaa oo qaarkood goor horaba shaaciyeen in xariirka u jareen kana xirteen xuduudaha dhulka iyo cirba.

Qaar kamid ah Wadamada Carabta ee xariirka u jaray dowlada Qadar ayaa shaaciyay in ay ka mamnuuceen Diyaaradaha Qadar laga leeyahay in ay isticmaalaan hawada Wadamadooda , waxa ayna arintaasi saameyn badan ku yeelatay duulimaadka Diyaarada Qadar Airways iyo kuwa kale.

Hay'adda Socdaalka Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Shirkada Diyaarada Qadar Airways ay hawada Soomaaliya isticmaashay in kabadan intii ay horey u isticmaali jirtay, waxaana arintaasi sabab looga dhigay xayiraada dowladaha qaar Qadar kusoo rogeen.

Sargaal katirsan Hay'ada Socdaalka Soomaaliya oo magaciisa qariyay ayaa Wakaalada Wararka AP u sheegay in ay korortay isticmaalka hawada Soomaaliya diyaarada Qadar, waxa uuna tilmaamay in diyaarada Qadar hawada Soomaaliya isticmaashay ilaa 15-jeer.

Diyaarada Qadar Airways ayaa hawada Soomaaliya isticmaali jirtay maalintii mar ama labo mar, hasa ahaatee isticmaalka hawada Soomaaliya ayaa korortay kadib markii dowlada Carabta qaarkood hawada ka xirteen shirkadaha Diyaaradaha dalka Qadar.

Soomaaliya ayaan wali cadeyn go'aankeeda ku aadan xiisada ka dhax abuuraan dowlada Qadar iyo qaar kamid ah dowladaha Carabta, waxaana Soomaaliya dhibaato ka heesataa go'aanka ay ka qaadan laheyd arintan oo ah labo daran mid dooro ah.


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...