Thursday 8 June 2017

Puntland oo War kulul ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Af-Urur (Akhriso)

Gollaha Wasiiradda Puntland oo maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa isla falanqeeyey dagaalkii xili hore oo saaka ah ku dhexmaray Ciidamadda Dowladda iyo xoogaga Al-shabaab tuulada Af-urur ee degaanka Galgala ee gobolka bari.

War-saxaafadeed ka soo baxay shirka ayaa Puntland ku sheegtay in ciidamadeedu ay iska caabiyeen weerarkaas, hase yeeshee Al-shabaab ay magaaladda ku dileen odoyaal madax-dhaqameedyo ah, Dumar iyo Caruur.

War-saxaafadeedka ka soo baxay golaha wasiirada maamul goboleedka Puntland ayaa u qornaa sidatan:-

War saxaafadeed

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ee khamiislaha ahaa, ayaa maanta waxaa looga hadlay arrimaha Amniga Puntland, Dastuurka Dawladda Federaalka ah iyo warbiximo

Xaaladda Amniga Dalka

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa sheegay inay xalay saqdii dhexe ay soo weerareen Burcad-diimeedka Al-shabaab deegaanka Af-urur ee buuralayda Gal-gala iyagoo weeraray xerro ciidan oo ku taal tuulada Af-urur, laakiin nasiib-daro markii ay ciidamadu iska caabiyeen weerarkaas, waxay laayeen Burcad-diimeedku dad shacab ah oo daganaa deegaanka Af-urur oo iskugu jira odoyaal madax-dhaqameed ah, Dumar iyo Caruur, arintaas oo muujinaysa arxanddara Bur-cadaas, waxayna goluhu u tacsiyeeyeen dhammaan shacabkii halkaa lagu laayey, waxayna goluhu sheegeen in shar-wadayaasha caadadooda ay tahay markasta oo looga adkaado dagaalka inay shacabka laayaan.

Goluhu wuxuu caddeeyay in ciidanka mujaahidiinta ah ee Puntland iskaga filan yihiin Al-shabaab iyo cadowga Puntland, horeyna ay ugu dhiggeen taariikh lama ilaawaan ah, sidoo kale goluhu waxay sheegeen in Al-shabaab ka qoomameyn-doonto shacabka Puntland ee ay laayeen ee birri-mageydada ah, sidoo kale goluhu wuxuu caddeeyay in aan waxba ka jirin sheegashooyinka Burcad-Diimeedkaas

Goluhu wuxuu sheegay in Puntland iyo shacabkeedu ay ku filan yihiin difaaca dalkooda, ayna ka sifeyn-doonaan Al-shabaab meelaha ay Puntland uga dhumaaleysanayaan, isla markaana uu soo dhamaaday waqtiqii Al-shabaab ay ku dhuumaaleysan laheeyeen gudaha Puntland,

Sidoo kale goluhu waxay ku dhawaaqeen in la abaal marin-doono Askasrtii ku dhimatay qaraxii Boosaaso iyo Askartii gacanta ku dhigtey qaraxyadii lagu qabtay Boosaaso iyo Gaalkacyo.



Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...