Tuesday 6 June 2017

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uu soo dhaweeyay Dhismaha Maamulka Banaadir State

Magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday shirar ay leeyihiin qaar kamid ah Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Banaadir ,kuwaa oo ka arinsanayay sidii loo dhisi lahaa Maamulka Banaadir State .

Muxudiin Xasan Afrax oo kamid ah Siyaasiiina hor boodaya qorshaha lagu dhisayo Maamulka Banaadir State ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya la kulmeen ayna kala hadleen dhismaha Maamulka Banaadir State.

Waxa uu sheegay Muxudiin Xasan Afrax in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhoweeyay kuna taageeray dhismaha maamul gaar ah oo uu yeesho gobolka Banaadir, waxa uuna intaa raaciyay in Madaxwenaha uusan u muujin diidmo qorshaooda ku aadan.

Siyaasiga Muxudiin Afrax ayaa xusay in Muqdisho ay leedahay xaquuq ayna lamid noqoneyso maamulada kale ee dalka ka jira, waxa uuna tilmaamay in ay wadaan shirar looga arinsanayo sidii loo dhisi lahaa maamul u gaar ah gobolka Banaadir.

Waxaan rabnaa in Muqdisho ay xuquuq yeelato, dowladdana ay joogto, sida loo kala leexinayo waa farsamo, waxaan kala hadleynaa cid walbo oo ay quseyso arrintani.. madaxweynaha aad iyo aad ayuu usoo dhoweeyay oo maqaamkeeda ay yeelato laakiin wax walbo bilow iyo dhammaad ayeey leeyihiin, laakiinse aragti ahaan wuxuu qabaa waxaan annaga qabno, wuxuu qabaa in Muqdisho ay xuquuqda ay leeyihiin gobollada kale ay leedahay, wuxuuna ballanqaaday in laga wada qeybqaadanayo lana hirgelinayo” ayuu yiri Muxudiin.

Hadalka kasoo yeeray Muxudiin Afrax ayaa imaanaya xili dowlada Dhaxe ee Soomaaliya aysan ku qanacsaneyn qorshahan ay horboodayaan siyaasiyiin tiro yar oo lagu doonayo in maamul la yiraahdo Banaadir State loogu sameeyo gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com



No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...