Sunday 4 June 2017

Gudoomiyihii Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland oo xilka laga qaaday

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa waxa xilkii looga qaaday gudoomiyihii Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Puntland Cabdifitaax xaaji Aadan.

Cabdifitaax Xaaji Aadan ayaa waxaa laga dhigay Garsoore ka tirsan Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Mar uu la hadlayey saxaafada Cabdifataax Xaaji Aadan ayuu sheegay inuu ku faraxsan yahay talaabada uu qaadey Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo isku shaandheyn ku sameeyey masuuliyiinta maxkamada.

Madaxweynaha Puntland ayaa inta badan xilalka u kala wareejiyey masuuliyiintii xilalka ka hayay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Mar wax laga weydiiyay in madaxda Puntland tallaabadan u sameeyeen habacsanaan jirta ayuu sheegay inaysan arrintaas jirin, isagoo xusay inuusan jirin qof laga ruqseeyay maxkamadda ciidamada qalabka sida haddiio ay habacsanaan jiri laheydna taas la arki lahaa.

C/wali Gaas ayaa sarkaal kale u magacaabay gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida Maamulka Puntland.


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...