Wednesday 7 June 2017

Ganacsade caan ah oo goor dhow lagu toogtay bartamaha Suuqa Bakaaraha

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa galabta Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay ganacsade caan ah oo ka mid ah kuwa iibiya dawooyinka.

Ganacsadahan oo magaciisa la oran jiray Maxamed Shiikh Xuseen (Maxamed Dheere) ayaa waxaa la toogtay wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masjid ku yaalla Suuqa Daawada oo uu ku tukaday salaadii Casir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya iney rasaas ku fureen dabley ku sugeysay masjidka banaankiisa oo markii ay dilkaas fuliyeen ka baxsaday goobta.

Kala carar iyo khal khal xoogan ayaa ka dhacay nawaaxiga goobta lagu dilay ganacsadahan oo si weyn looga yaqiinay qeybta dawooyinka ee Suuqa Bakaaraha.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay ganacsadahan iyo cida dilkiisa ka dambeysay, balse falkan waxaa si weyn uga xumaaday ganacsatada Suuqa Bakaaraha gaar ahaan kuwa qeybta dawooyinka ku ganacsada.

Waa dilkii labaad ee inta la og yahay maanta ka dhaca magaalada Muqdisho, saaka barqadii ayeyna aheyd markii kooxo hubeysan oo watay Dhug-dhugley ay toogasho gaadmo ah ku dileen askari ka tirsan ciidanka dowlada oo ku sugnaa agagaarka Ex-carwo Idko oo ku taalla wadada Soddonka. 



Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...