Monday 19 June 2017

Ganacsade caan ah oo caawa lagu dilay magaalada Beledweyn

June 18 (Jowhar)— Kooxo hubeysan ayaa caawa xaafada Howl-wadaag ee galbeedka magaalada Beledweyn ku dilay Ganacsade caan ahaa, iyadoo kooxdii hubeysneyd ee dilka geysatay ay baxsadeen.
Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabo jiray Ibraahim Cismaan Muumin oo loo yaqaanay Ibraahim Fanax, kaasoo caan ka ahaa magaalada.
Marxuumka ayaa la sheegay inuu la shaqeyn jiray Shirkad lagu magacaabo Goobaalle oo horay u dhistay inta badan goobaha Danta Guud ee xaafadaha Beledweyn.
Ciidamo ka tirsan dowladda oo gaaray halka lagu dilay ganacsada ayaa u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilka geystay, iyagoo baaritaan kooban sameeyay.
Dhowr jeer oo hore ayaa magaalada Beledweyn waxaa lagu dilay Ganacsato, odayaal dhaqameed iyo culumaa’udiin, waxaana dilalkan ay ahaayeen kuwo silsilado ah oo lagu bartilmaameedsaday dadka wax galka u ah bulshada.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...