Tuesday 20 June 2017

Faah Faahin: Ganacsade xalay lagu dilay duleedka Muqdisho

June 20 (Jowhar)— Askari ka tirsan ciidanka nabadsugida ayaa xalay Ganacsade ku dilay agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim oo ku dhow KM13 ee duleedka Muqdisho.
Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabayay C/kariin C/qaadir Axmed, waxaana dilkiisa uu ka dambeeyay, markii ay murmeen isaga iyo askariga.
Askariga falka dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaa la sheegay inuu Ilaalo u ahaa Taliyaha Nabadsugida ee deegaanka Garasbaaley.
Ciidamada ammaanka ayaa ka wada deegaankaas iyo deegaanada ku dhow dhow, howl gal ay ku baadi goobayaan askariga falka dilka geystay.
Inta badan askarta ayaa dil ula kac ah u geysta dadka rayidka ah, marka ay wax ku murmaan ama ay is qabtaan.
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dhowr jeer dilal ku fulisay askar dil u geysatay dad shacab ah, waxaa u dambeeyay askari ka tirsan Ciidamada oo sanad ka hor degmada Afgooye ku dilay qof shacab ah, kaasoo dhowaan isna Maxkamadda ku fulisay dil toogasho ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...