Friday 2 June 2017

Dowladda Soomaaliya oo soo Daabacaysa lacago cusub oo Shilin Soomaali ah


MUQDISHO(RBC RADIO)Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney qorsheynayso iney soo samayso lacago cusub oo Shilin Soomaali ah.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay iney ka shaqaynayaan sidii loo soo celin lahaa lacagihii Shilin Soomaaliga ahaa ee uu dalku lahaa,Wuxuuna xusay iney la kaashanayaan arintaasi Beesha Caalamka.
“Lacagta shilinku waa astaanta wadanka,Maaha arin fudud laakiin waa  lagu talajiraa waana samaynaynaa lacagtii dalka si aan uga baxno xayiraada dhaqaalaha ee ina saaran,ma jiro wadan ay lacagtiisu u baaba’day sideena oo kale,waxaan arintaas la kaashanaynaa Beesha Caalamka”ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Ducaale Bayle.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa dhanka kale tilmaamay iney xoogga saareen sidii loola dagaalamo lahaa Musuq Maasuqa,wuxuuna xusay in taasi ay horseedayso kobaca dhaqaalaha dalka.
Lacagta Shilinka Soomaliga ayaa waxaa ku yimid baaba’ fara badan,waxaana hada kaliya la isticmaalaa (Kunka)1000 Shilin oo isaga laftiisa intiisa badan noqday mid jeex jeexan maadaama aan in ka badan 25 sano lasoo daabicin lacago cusub.

RBC RADIO

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...