Tuesday 6 June 2017

Dowladda Federaalka oo la wareegeysa Dekeda iyo Air Porka Kismaayo (Warbixin)

June 06 (Jowhar)— Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay la wareegto Dekeda iyo Air Porka Kismaayo, taasoo ka mid aheyd heshiiskii dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland ku gaareen magaalada Addis Ababa sanadkii 2013.
Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay dadaal ugu jirto sidii loo fulin lahaa heshiisyadii horay loo gaaray.
Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Kismaayo ayaa qeyb ka ah arrinta ku saabsan Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha oo ay dowladda Federaalka dooneyso inay maamusho.
Wararka ayaa sheegaya in dowladda Federaalka ay sare u qaaday dhaqaalihii ay siin jirtay dowlad goboleedyada, taasoo markii hore aheyd lacag dhan $150,000, isla markaana la gaarsiiyay lacag gaareysa $300,000 bil walba, iyadoo tallaabadan lagu doonayo in lagu kasbado maamul goboleedyada.
Ilo wareedyo muhiim ah ayaa Jowhar.com u xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in si ka duwan sidii dowladdii hore ay ula macaamili jirtay dowlad goboleedyada uu ula macaamilo, iyadoo la sheegay in markii u horeysay Madaxda dowlad goboleedyada ay dowladda Federaalka u qortay bil walba gunno lacageed oo aan la cayimin.
Heshiiskii Addis Ababa lagu gaaray sanadkii 2013 ayaa dhigayay in Maamulka Jubbaland uu dowladda Federaalka ku wareejiyo lix bil kaddib maamulka Dekeda iyo Garoonka, oo ay dowladdu u soo magacaabeyso maamul cusub, hase ahaatee qodobkan ayaa dhaqan gelin.
Maamulka Jubbaland ayaa diidanaa in dowladda Federaalka ay ku wareejiyaan Dekeda iyo Garoonka, isla markaana ay la mid tahay dekedaha Berbera iyo Boosaaso oo kale.
Haddii Maamulka Jubbaland aqbalo in Dekeda iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ku wareejiso dowladda Federaalka, waxay noqoneysa tallaabadii u horeysay ee dowladda Dhexe kula wareegto Deked iyo Garoon ka baxsan magaalada Muqdisho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...