Sunday 11 June 2017

Diyaarado dagaal oo duqeeyay Deegaanka Toora Toorow

June 11 (Jowhar)— Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeeyay Saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Toora Toorow ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan duqeynta.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha ay dhowr gantaal ku rideen fariisimo la sheegay in Al-Shabaab ku lahaayeen duleedka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in duqeyntan xooggeeda xalay laga maqlay deegaano ku dhow dhow Toora-Toorow, halkaasoo shalay uu dagaal ka dhacay.
Ciidamada dowladda, oo ay wehliyaan Ciidamo AMISOM iyo kuwo Mareykan ah ayaa shalay weerar ku qaaday deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose, waxaana la sheegayaa dagaaladaas ay khasaare kala duwan sababeen.
Al-Shabaab ayaa sheegay inay iska caabiyeen weeraro Ciidamo Mareykan ah iyo kuwo Soomaali ku soo qaadeen Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhowr jeeroo hore ayaa duqeymo ka dhacay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa waxaa geystay diyaarado laga leeyahaydalka Mareykanka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...