Saturday 3 June 2017

Diyaarad Xamuul siday oo kusoo dhacday garoonka Diyaaradaha magaalada Garbahaarey

Wararka ka imaanaya magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in goordhaw garoonka Diyaaradaha magaaladaasi ay kusoo dhacday diyaarad xamuul sida oo dooneysay in ay ka degto garoonkaasi.

Masuul katirsan gobolka Gedo ayaa Warbaahinta u sheegay in diyaarad kasoo dageysay garoonka ay soo dhacday , waxa uuna tilmaamay in diyaaradaasi soo dhacday aysan ka dhalan wax khasaaro nafeed ah.

Diyaarada kusoo dhacday garoonka diyaaradaha Garbahaarey ayaa la sheegay in ay u rarneen Hay'ada cuntada Aduunka ee WFP, waxaana diyaarada ay burt bur gaarsiisay xaafado kuyaala agagaarka garoonka iyo sidoo kale qeybo kamid ah dhismaha garoonka.

Sababta keentay bur burka diyaarada kusoo dhacday garoonka Diyaaradaha Degmada Garbaarey ayaa lagu sheegay cilad farsamo oo ku timid diyaarada.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...