Monday 19 June 2017

Dad ka soo baxay masaajid oo gaari lagu jiirsiiyay waqooyiga magaalada London


by A M Monday, Jun 19, 2017 | 990 views
June 19 (Jowhar)— Ugu yaraan hal qof ayaa geeriyooday 8 kalena dhaawac ayaa soo gaaray, kaddib markii dad ka soo baxay masaajid la jiirsiiyay gaari waqooyiga magaalada London.
Falkan ayaa dhacay xilligii laga soo baxay Salaada Tahjudka, iyadoo booliska ay ku tilmaameen shil aad u weyn.
Nin 48 jir ah ayaa loo xiray shilkan ka dhacay Wadada Senev Sisters, gaar ahaan agagaarka masaajid ku yaal degmada Finsbury Park.
Guddiga Muslimiinta Britain ayaa sheegay in falkan uu ahaa mid ula kac ah, isla markaana dad cibaadeynsayay gaari la jiirsiiyay, iyagoo ku tilmaamay inuu ahaa weerar argagixiso.
Ciidamada booliska ayaa goobta si deg deg ah u soo gaaray, kuwaasoo goobta xiray, waxaa socda baaritaano la xiriira falkan.
Magaalada London ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay falal gawaari dadka lagu jiirsiinayay, waxaana weeraradaas lagu tilmaamay mid argagixiso ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...