Sunday 4 June 2017

Cali Jayte Cismaan:Dhalinyaradii wadatay Gaariga Waxyaabaha Qarxa siday ee lagu Qabtay Boosaaso lama aysan shaqayneen Al-shabaab


BELEDWEYNE(RBC RADIO)Maamulka Gobolka Hiiiraan ayaa sheegay in dhalinyaradii wadatay Gaarigii waxyaabaha Qarxa sida ee dhawaan lagu qabtay Magaalada Boosaaso ineysan ka tirsaneen Al-shabaab.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhalinyarada wadatay Gaariga Waxyaabaha Qarxa siday ee lagu qabtay Magaalada Boosaaso ineysan ka tirsaneen Al-shabaab balse lagu qalday wuxuuna ka codsaday maamulka Puntland iney u cadaalad falaan.
“Nimanka dhalinyarada ah ee Baabuurkaas watay waxay ku timi arintaasi dayac Masuuliyad darro ah ee lama aysan  shaqayneen Nimanka Nabad diidka ah,waxay isku haysteen iney Khudaar wataan,hadaan xogta dib u eegnay ,Aqoonta aan u leeyahay aniga Shaqsiyan Darawalka iyo Xogta hay’adihii arintaas ku shaqada lahaa markaan baarnay waxaa noosoo baxaysa iney dhacday Masuuliyad darro  ee aysan ku talagal Baabuurka Qaraxa u saarin”ayuu yiri Cali Jayte Cismaan.
Cali Jayte Cismaan ayaa ka codsaday puntland iney u cadaalad samayso dhalinyarada wadatay Gaariga Khudaarta siday ee lagu dhex qariyey Waxyaabaha Qarxa,wuxuuna ku ammaanay Ciidamada Puntland sida ay uga hortageen Qaraxyadaasi la doonayey in Shacabka lagu dhibaateeyo,Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa dhanka kale nasiib darro ku tilmaamay iney ogaan waayaan Qaraxyada laga raray Beledweyne.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay iney dadaal ugu jiraan sidii ay kusoo qaban lahaayeen dadkii Qaraxyadaasi ka diray Beledweyne

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...