Tuesday 6 June 2017

Booliska Australia oo toogasho ku diley muwaadin Soomaaliyeed oo fal afduub ah geystey

June 06 (Jowhar)—Booliska magaalada Melbourne ee dalka Australia ayaa toogasho ku diley muwaadin asalkiisu Soomaali kadib markii la sheegay in uu afduub u geystey haweeney duleedka magaalada Melbourne.
Sida ay sheegeen saraakiil u hadashay booliska taleefan ayaa loo soo direy gelinkii dambe ee isniintii xilliga Australia xarun idaacadeed oo lagu magacaabo Seven Network ee magaalada Melbourne, haweeney ayaa u sheegtay idaacada in afduub loo haysto waxaana sidoo kale hadlay qof rag ah oo yiri; “Waa IS,Waa Alqaacida.”
Askar tagtay halka haweeneyda lagu haystay ayaa la sheegay in ay rasaas is weydaarsadeen qofkii afduubka geystey waxaana ku dhaawacmay askari halka la diley muwaadin Soomaali ah oo halkaa qaxootinimo ku joogay laguna sheegay magaciisa Yacquub Kheyre.
Ururka IS ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen afduubka waxana garabka warbaahinta u qaabilsan IS uu sheegay in weerarka afduubka uu ahaa mid loogaga soo horjeedo ka mid ahaanshaha dowlada Australia ee isbahaysiga la dagaalama ururka IS.
Booliska dalka Australia ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan falkan ayna u soo bandhigi doonaan warbaahinta.
Yacquub Kheyre ayaa la sheegay in ay ciidamada nabadsugida dalka Australia ay il gaar ah ku hayeen tan iyo markii laga soo daayay xabsiga sanadkii 2010 iyadoo xilligaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qorshe weeraro isqarxin ah oo la doonayay in lagu qaado saldhig ay ciidamadu ku leeyihiin Sydney’s Holsworthy.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...