Thursday 8 June 2017

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada Puntland ku leeyihiin Gobolka Bari

June 08 (Jowhar)— Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday saldhig Ciidamada Daraawiishta Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalkan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa qaatay muddo saacado ah, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in dhimasho badan iyo dhaawac uu ka dhashay
Taliyaha Ciidamada daraawiishta Puntland Col. C/llaahi Cumar Canshuur ayaa u sheegay Idaacada VOA in Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhiga ciidanka, isla markaana dagaalka uu socday labo saacadood.
Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dileen 61 askari oo ka tirsan Puntland, halka 15 gaari ay ku furteen.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan dagaalka ka dhacay deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa kii ugu cuslaa ee dhex mara Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab, tan iyo markii Puntland horaantii sanadkii 2015 ku dhawaaqday inay soo afjartay dagaalka Al-Shabaab.
Xaalada deegaanka ayaa la sheegay inay tahay mid kacsan, iyadoo is gaarsiinta ay go’an tahay, waxaa la soo sheegayaa in wali la maqlayo rasaas goos goos ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...