Wednesday 31 May 2017

Sarkaal ka tirsanaa militariga Soomaaliya oo caawa fiidkii lagu dilay Muqdisho


 Share
 Tweet
 Email
 Share


 
Arbaco, May ,31, 2017 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa fiidkii toogasho lagu dilay sarkaal ka tirsan qaybta caafimaadka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaalka la dilay lagu magacaabi jiray G/sare Cabdullaahi Cilmi Nuur, waxaana la sheegayaa in dablaydii dishay ay baxsadeen.
Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa madaxa gaadiidka gurmadka deg degga ah ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Dilkan ayaa imanaya ayada oo ciidamada dowladda ay dhowaan sare u qaadeen howlgallada amni ee magaalada caasimadda ah, xilli laga cabsi qabo in Al-shabaab ay sare u qaadaan weeraradooda, inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...