Wednesday 31 May 2017

Qarax Miino oo khasaare geystay oo ka dhacay Gobolka Bari


BARI(RBC RADIO)Wararka aan ka heleyno Gobolka Bari ayaa sheegaya in goob ku dhow Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari uu ka dhacay Qarax Miino oo Khasaare nafeed geystay.
Qaraxa oo nuuciisu yahay Miinada dhulka lagu aaso ayaa la kacay Gaari ay la socdeen dad rayid ah,Inta la xaqiijiyey waxaa Qaraxaasi ku geeriyooday Haweeney Uur lahayd iyo Saygeeda oo wada saarnaa Gaariga ay Miinadu la kacday.
Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay in Qaraxaasi la doonayey in lagu waxyeeleeyo Ciidamada Ammaanka Puntland ee hawlagallada ka wada nawaaxiga Buuraleyda Galgala oo fariisin u ah Kooxda Daacish.
Gaariga ay Miinadu la kacday ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaana la sheegay inuu kusii jeeday qaybo kamid ah dhulka Tuulooyinka ah ee ka agdhow Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.

RBC RADIO

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...