Tuesday 30 May 2017

Maxaa ka jira in Fahad Yaasiin loo magacaabi rabo xilka Agaasimaha Madaxtooyada

May 30 (Jowhar)— Warar lagu kalsoonaan karo oo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin oo ah saaxibka Madaxweynaha lagu wado in loo magacaabi xilka Agaasimaha Madaxtooyada.
Ilo wareedyo xooggan ayaa xaqiijinaya in Fahad Yaasiin oo ka mid ah saaxibada Madaxweyne Farmaajo lagu wado in loo magacaabo xilka Agaasimaha Madaxtooyada, iyadoo warkan uu ahaa mid saacadihii la soo dhaafay aad u soo xoogeysanayay, kaddib markii Fahad Yaasiin oo muddooyinkan ku maqnaa Nairobi uu maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.
Fahad Yaasiin ayay u badan tahay inuu banaanka is keeno, si uu uga mid noqdo shaqsiyaadka hormuudka ka ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay meesha uga baxdo saameyntiisa qarsoon ee daaha gadaashiis.
Hadal heyn maalmahan jirtay oo ku aadanaa in loo magacaabayo La Taliyaha Amniga Qaranka ayaa meesha ka baxday, kaddib markii su’aalo badan laga keenay aqoontiisa xaga amniga ah, balse waxaa hada ay u badan tahay in loo magacaabo Agaasimaha Madaxtooyada.
Fahad Yaasiin ayaa la sheegay in is bedelo badan ay ku dhaceen oo ku aadan xilal uu rabay, waxaana tan iyo xalay soo xoogeysatay warka ku saabsan in xilka Agaasimaha Madaxtooyada loo magacaabi doono.
Dad badan oo saaixbo la ah Fahad Yaasiin ayaa la sheegay inay kula taliyeen inuu ka soo muuqdo dowladda, si uu u gurto miraha guushii doorashada Madaxweyne Farmaajo oo uu ka mid ahaa shaqsiyaadkii furaha u ahaa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Abuukar Baalle lagu wado in loo magacaabo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, oo ahaa boos hada banaan, waxaana uu ka soo muuqan doonaa safiiro lagu wado in dowladda Soomaaliya ay dhowaan magacawdo.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay loolan dhinaca awooda ah oo u dhaxeeyay kooxo kala duwan oo ku xiran Madaxtooyada, waxaana hadii Fahad Yaasiin loo magacaabo xilkaas ay noqon doontaa mid banaanka soo dhigta awooda kooxdiisa xilligan ku leedahay Villa Somalia.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...