Wednesday 31 May 2017

Madaxweyne Farmaajo oo u magacaabay Fahad Yaasiin Agaasimaha Madaxtooyada

May 31 (Jowhar)— Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Faraamjo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya.
War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu Fahad Yaasiin u magacaabay xilka Agaasimaha Guud ee Madaxweynaha.
“Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo”ayaa lagu yiri War saxaafadeed goor dhow ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Abuukar Daahir Cismaan (Baalle) oo ahaa shakhsi waqti badan galiyay u khidmeynta dalkiisa iyo dadkiisa.
Fahad Yaasiin waa mid ka mid ah saaxibada ugu xooggan ee Madaxweyne Farmaajo, isagoo la sheego inuu fure u ahaa guushii doorashada Madaxweyne Farmaajo ee 8-dii February.
Magacaabista Fahad Yaasiin ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la hadal hayay, waxaana markii hore jirtay hadal heyn ku aadan in loo magacaabi doono La Taliyaha Amniga Qaranka, balse magacaabistan ayaa adkaatay, kaddib markii su’aalo laga keenay aqoontiisa xaga amniga.
Sidoo kale Magacaabista Fahad Yaasiin ayaa waxay soo afjareysa khilaaf dhanka awooda ahaa oo horay ugu dhaxeeyay Abuukar Baalle iyo ninka ku xigay C/risaaq Shoole oo ah nin awood badan ku leh Madaxtooyada, balse waxaa la ogeyn saameynta kale ay ku yeelan doonto dadkii ku xirnaa ama la safnaa Abuukar Baalle.
Fahad Yaasiin ayaa ahaa wariye horay uga soo shaqeeyay Telefishinka Al-Jazeera, gaar ahaan qeybta Carabiga, waxaana la sheegaa inuu yahay nin xiriir dhow la leh dowladda Qatar, waxaa uu horay uga qeyb qaatay isku xir dhex maray Qatar iyo dowladdii hore, sidoo kalena wuxuu kaalin ku lahaa doorashadii Farmaajo oo uu ahaa maalgelihii ugu weynaa ee ololaha doorashada.
Waa agaasimihii 3aad oo loo magacaabo Madaxtooyada, saddex bilood oo uu Xafiiska joogo Madaxweyne Farmaajo, waxayna tani banaanka soo dhigeysa loolanka awoodeed ee ka dhex jiray kooxaha ku xiran Madaxweyne Farmaajo ee raba inay awood ku dhex yeeshaan Madaxtooyada.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...