Tuesday 30 May 2017

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug oo ku heshiiyay inay ka shaqeyaan Nabada Gaalkacyo

May 30 (Jowhar)— Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/wali Gaas iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta heshiis dhowr qodob ka kooban ku gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.
Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay inay si wada jir ah uga qeyb qaataan xal u helida colaada Gaalkacyo ee dhowr mar soo noq noqotay.
Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Xaaf ayaa si wada jir ah u sheegay inay sameynayaan ciidan isku dhaf ah oo ka shaqeynaya nabadgalyada magaalada Gaalkacyo.
Sidoo kale waxay isla garteen inay labadooda maamul ay ka shaqeynayaan deris wanaaga iyo sidii reer Gaalkacyo ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goob joog ka ahaa heshiiska labada dhinac wada gaareen, waxaana ay si wada jir ah ay socod ku soo mareen bartamaha Cadaado.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa xalay ku hoyday Cadaado, kaddib markii ay ka qeyb galeen munaasabadii caleema saarka Madaxweyne Xaaf.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...