Tuesday 30 May 2017

Daawo Sawirada: Diyaaradii kusoo dhacday Garoonka Diyaaradaha Adaan Cadde

Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhacday Diyaarad ay leedahay shirkadda Bancroft, oo ah Shirkad qaabilsan la talinta howlaha amaanka iyo tababarada Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee jooga Soomaaliya.

Diyaarada oo aheed kuwa yar yar ayaa cilad lasoo daristay inta ay hawada kusoo jirtay, waxaana Diyaarada u bixi waayay lugaha taa oo keentay in daqiiqado ay hawada garoonka ku dul wareegto ilaa markii dambe lagu amray in ay soo degto.


Garoonka Diyaaradaha ayaa lagu sii diyaariyay gaadiidka dabdamiska iyo kooxaha gurmadka kahor inta aysan diyaaradaa soo dhicin, waxaana markii dambe diyaarada oo isku dayeesay in ay soo degto kusoo dhacday dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan.

Ma jiro wax khasaaro nafeed ah oo ka dhashay diyaaradan kusoo dhacday garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana diyaarada laga soo saaray iyaga oo bad qaba dhamaan dadkii la socday ay ku jiraan saraakiil ajnabi ah.

Diyaarada oo kusoo dhacday Wadada Run-Wayga ama dhabaha diyaardaha ku ordaan ayaa mudo xayirtay in garoonka ay Diyaardaha ka duulaan ama kasoo deegaan, waxaana markii dambe lagu guuleestay in diyaarada laga qaado halka ay kusoo dhacady.










Xafiiska Shabakasa Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...