Monday 29 May 2017

Caqabado soo wajahay howlgalo hub ka dhigis ah oo maalmahan ka socday Muqdisho

Iyadoo maalmahan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ay ciidamada amaanku ka wadeen howgalo hub ka dhigis ah ayaa waxaa howlgalkaas soo wajahay caqabado kala duwan.

Howlgalkan ayaa ujeedadisu aheyd in qoryaha laga dhigo maleeshiyooyinka hubeysan ee lagu arko wadooyinka iyo kooxaha isbaarada iyo dhaca ku haya shacabka.

Balse howlgalkan ayaa yeeshay waji kale ka dib markii ciidamadii amaanka ee ka qeyb qaadanayey ay beegsadeen hub ka dhigisna ku sameeyeen ciidamo kale oo isla dowlada ka tirsan.

Sidoo kale ciidamadii la qabqabtay iyo qoryihii laga qaaday tiradooda ayaa kala batay markii la geeyey saldhigyada ciidanka amaanka taasoo keentay in la waayo qaar ka mid ah hubkii ay wateen ciidamadii la soo qabtay.

Arintan ayaa waxay dhalisay muran iyo shaki badan oo laga qaaday ciidamadii howgalada fulinayey oo qaarkood lagu tuhmay iney qarsadeen qaar ka mid ah hubkii ay ka aruuriyeen ciidamada kale ee dowlada, caro badan ayaana ka dhalatay arintaas.

Guddiga amniga Qaranka oo arrintan lagu wargeliyey ayaa la filayaa iney saacadaha soo socda kulan deg deg ah ka yeeshaan caqabadaha soo kordhay iyo sidii xal looga gaari lahaa, go’aamo ayaana la filayaa iney arimahan ka soo saaraan iyadoo howlgalki socdayna la hakiyey. 


Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...