Tuesday 30 May 2017

Banaan bax laga hor dhigay afaafka hore ee Safaaradda dowlada Imaaraadka ee Muqdisho

Dadweyne Soomaaliyeed oo ku dibad baxay safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya in mas’uuliyiinta safaaradda aaney bixin xaqii shirkadaha qalabka laga soo qaaday iyo xitaa muruq-maalkii goobta dhisay, arrintaas oo qareenno Soomaaliyeed ku tilmaameen mid xad gudub ah oo ay tahay in lala xisaabtamo.

Maxaa Laga Cabanayaa?
Saddex xarumood oo Imaaraadka uu maamulo ayaa laga hir-galiyay magaalada Mugdisho ee caasimadda Soomaaliya, saddexdan xarumood dadkii muruq-maalka ahaa oo dhisay ayaa waxay ka cabanayaan in illaa iyo hadda aysan helin lacagtii ay Imaaraadka ugu dhiseen xarumahaan.

Dadka ay safaaradda kala maqan tahay xoolahooda waxa ay iskugu jiraan ganacsato iibisa qalabka dhismaha iyo muruq-maalkii dhisay dhismaha ay safaaradda ku jirto.

Maxamed waxa uu ka mid yahay dadkii muruq-maalka ahaa ee wax ka dhisay dhismaha hadda ay ku jirto safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in lacagtii uu xooggiisa uu ku shaqeystay loo diiday albaabadana ay ka xirteen madaxdii Imaaraadka oo uu u shaqeynayay.

Shaqaalo Cabanaya:
“Aniga Maxamed ayaa la yiraahdaa, Imaaraadka ayaan u shaqeeyaa lacag ayaa iga maqan oo shan iyo toban maalmood ah, waxaan u soo noq-noqonayay, lacagtan shan iyo toban maalmood wax i siiyana ma helin intaas ayaan meesha u taaganahay, anigu waxaan ahay nin farayaamo ah oo farsama-yaqaana waxaan ka shaqeynayay dhismaha Isbitaalka, maalinta aan shaqeynayay ilaa iyo hadda waxaan cunayay deyn ayaan soo qaadanayay hadana waxaa la igu haystaa deyntii meel aan u raacdo la cagteydii malahan”.

Muuse Maxamed waxa uu ka mid yahay shaqaalihii faryaamada ahaa oo ka wax dhisay Isbitaalka Imaaraadka Carabta waxa uu ka cabanayaa in ilaa iyo hadda aan la siinin lacagtii lagula heshiiyay waxa uu codsanayaa in lacgtiisii la siiyo.

“ Anigoo ah Muuse Maxamed waxaan ahay farayaamo Imaaraadka uga shaqeynayay qeybta Isbitaalka shan iyo toban maalmood lacagtooda ayaa iga maqan ilaa iyo haddana meel aan u raacdo ma aqaan”.

Axmed Cabdi Kariim waxa uu ka mid ahaa shaqaalihii ka wax dhisay safaaradda Imaaraadka uu ku leeyahay magaalada Mugdisho waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda uu san helin xaqiisa oo maalin walba lagu celiyo iridda hore ee safaaradda.

“Axmed Cabdikariim ayaa la i dhahaa waxaan u shaqeynayay Imaaraadka Carabta waxaan ka shaqeynayay safaaradda lix iyo toban maalmood ayaan u shaqeynayay waxaana u soo noqonayay sideed maalmood hadana waxba kuma hayo”.

Dhinaca kale, dadka ka cabanaya Safaaradda Imaaraadka Carabta ma ahan muruq-maal kaliya ee waxaa jira ganacsto ka cabanaysa safaaradda ku waas oo sheegay inay ka soo qaadatay qalabka dhismaha isla markaana aysan ka heynin wax lacag ah.

Ganacsato Cabaneysa:
Cabdiraxmaan Yaxye Sheikh Ciribay waxa uu ka mid yahay ganacsato uu Imaaraadka ka qaatay qalabka dhismaha waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda uusan helin lacagtiisii.

“Waxaan ka cabanaynaa maanta oo meeshaan na keenay dhibaato aad iyo aad u baaxad weyn xoolaheenii oo naga maqan waxaan nahnay shaqaale, waxaa naga maqan xoolo, xoolahaas oo ka kooban bir, alwaax, shamiito iyo bulokeeti”.

Abuukaate Axmed Ibraahim oo cabashada muruq-maalka iyo ganacsatada ka taageeraya dhanka sharciga ayaa sheegay in dadkaan mushaar la’aanta ka cabanaya in loo diiday xubnaha safaaradda Imaaraadka Carabta inay la kulmaan.

“Dada badan oo lacag milaayiin gaareysa oo ganacsto ah ayaa alaabtooda meesha ku maqan, dhibaatada meesha ka jirta waxay tahay dadka markii alaabta laga rabo soo gala ayaa laleeyahay waa la fariisinayaa waxoodiibaa laga qaadanayaa, maalintii lacagtooda lagaaro waxaa lagu bilaabayaa ballan “.

Safaaradda Imaaraadka ilaa iyo hadda kama aysan jawaabin cabashada shaqaalahaan oo gaaraya ku dhawaad sagaashan qof mas’uuliyiinta qaar ayaa waxay sheegayaan in lacagaha dadkaan qofkii laga rabo uusan joogin dalka.

Xigasho Idaacada Goobjoog

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...