Tuesday 6 September 2016

Madaxweynaha Soomaaliya oo soo saaray wareegto ku saabsan habraaca hawlaha dowladda ee waqtiyada doorashada 2016


IMG_12073E-DD1747-C74346-5F5180-C4BA50-941229
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray wareegto ku saabsan habraaca shaqada dowladda ee waqtiyada doorashada.
Wareegtadan aya khuseysa sidii loo ilaalin lahaa hannaanka iyo geedi socodka doorashooyinka, iyadoo la isku diyaarinayo doorashada xildhibaanada labada aqal iyo doorashada Madaxweynaha.
Sida ku xusan Dastuurka KMG ee dalka, Madaxweynuhu waa ilaaliyaha midnimada iyo shuruucda waddanka, sidaa darteed iyadoo taasi la eegayo, isla markaana uu Madaxweynuhu tixgelinayo go’aankii Madasha Hoggaanka Qaranka ee 9-kii bishii August, 2016 ayaa waxaa uu soo saaray awaamiirta soo socota:
1)—Laga billaabo maalinta ay taariikhda ku beegan tahay 5-ta September, 2016, iyadoo hawl maalmeedka dowladda ee ah u adeegidda shacabka sidii caadiga ahayd loo wadayo, ayaa haddana waxaa la joojiyay:
a)—Magacaabista ama shaqo ka joojinta jagooyinka sare ee dowladda iyo dallacsiinta saraakiisha Ciidammada Qalabka Sida.
b)— Lama bedeli karo qaab dhismeedka hadda jira ee hay’adaha dowladda oo dhan.
c)— Lama bixin karo kharashaadka aan ku jirin habraaca miisaaniyadda 2016, marka laga reebo kharashka boqolkiiba afartan ah (40%) oo dowladda kaga soo aadday kabista dhaqaalaha doorashooyinka iyo kharashyadii kale ee lagama maarmaan loogu arko habsami u socodka hawlaha dowladda.
d)— Lama geli karo heshiisyo iyo qandaraasyo cusub oo aan ka ahayn kuwii horay u socday. Sidoo kale lama geli karo ballanqaadyo kharash la xiriira.
2)—Awaamiirtan ma khuseyn doonto hawlaha ay fulintooda socdeen intii ka horeysay 05/09/2016 (Shanta September).
3)—Awaamiirtan waxay socon doontaa ilaa 5-ta November 2016.
4)—Waxaa dhammaan hay’adaha fulinta ee dowladda ee wareegtadan loo gudbiyay la farayaa inay awaamiirtan dhaqan-geliyaaan, iyagoo tixgelinaya marxaladda lagu jiro iyo hannaanka geedi socodka doorashooyinka.
___
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...