Saturday 20 August 2016

Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish oo lagu soo bandhigay magaalada Bosaso (Sawirro)


Bosaso (RBC Radio) Ciidamada Amaanka Gobalka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay rag la sheegay iney ka kala tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana maanta lagu soo bandhigay magaalada Bosaso.
Maamulka iyo Saraakiisha Gobalka Bari, ayaa soo bandhigay 3 nin oo la sheegay iney ka kala tirsan yihiin Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaasoo siyaabo kala duwan loogu soo qabtay Bosaso.
Axmed Aadan Cabdulaahi Aw-Cabdi, Muuse Aadan Maxamed (Gaal-dile) iyo Cabdulaahi Ibraahim Cabdi ayaa la sheegay in lagu soo qabtay howlgalo ka dhacay magaalada Bosaso.
Axmed Aadan C/llaahi Aw Cabdi
Al-Shabaab Shaafici ayay u yaqaanaan, 4 sano oo uu ka tirsanaan wuxuu ugu dambayntii ku biiray Kooxda Daacish, waxaana gacanta lagu dhigay xilli uu fasax ahaa oo uu u socday qoyskiisa oo dagan Burco.
C/llaahi Ibraahim Cabdi Cali Mulla
Ninkaan ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dagaalami jiray Buuraha Gobalka Sanaag, waxaana la xaqiijiyay inuu Ururkaasi ka soo goostay 15 berri ka hor oo ciidamada isu soo dhiibay.
Muuse Aadan Maxamed (Gaal-dile)
Gaal-dile ayaa ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab ee Koonfurta dalka Soomaaliya, waxaana Ciidamada amniga Puntland ay gacanta ku dhigeen xilli uu ka dhoofi rabay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Bosaso.
Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa sheegay iney sharciga marsiin doonaan cid walba oo ka tirsan Ururada Argagixisada ah, isagoo xusay iney cafinayaan cid kasta oo isu soo dhiibtay dowladda.
Halkaan ka daawo
1 2 3 4 5

RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...