Monday 29 August 2016

Horjooge Sare oo Al-Shabaab ah oo dowladda isku soo dhiibay


 
11
 
0
SHARE 
MUQDISHO (SONNA) Horjooge Sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA,
Horjoogahaan oo lagu magacaabo Ibraahim Adan Ibraaim ayaa goor dhow waxaa lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.
“Laga bilaabo Caawa Waxaan cadaynayaa inaan isaga baxay Maleeshiyada Al-Shabaab, go’aankaan waxaa qaatay labo sano ka hor, waxaana igu dhaliyay markaan arkay sida looga been sheegayo diinta islaamka iyo dhaqan galinta shareecada islaamka, waliba aniga oo ka faa’iidaysanaya balanqaadkii madaxweynaha ee ku aadanaa in qofkii ka soo laabta Al-Shabaab la cafinayo.” Sidaasi waxaa yiri Ibraahim Adan
Ninkaan ayaa ka mid ahaa Horjoogayaasha sar sare ee kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab wuxuuna ku magacownaa Madaxa waxbarashada ee gobalada Baay iyo Bakool.

Goor dhow faah faahin iyo sawiro la soco

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...