Thursday 25 August 2016

Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo laga xaday $530, 000


Guddoomiyaha bankiga dhexe,Bashiir Ciise Cali
Guddoomiyaha bankiga dhexe,Bashiir Ciise Cali
Muqdisho (RBC Radio) Shan boqol iyo soddon kun oo Doollar ayaa noqonaysa lacagtii ugu horraysay oo ay dowladda Soomaaliya qiranayso in laga xaday bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta bankiga dhexe ayaa sheegay in Muxiyaddiin Maxamed Xasan oo ka mid ahaa qasnad-hayeyaasha bankiga uu xaday lacag dhan $530,000 (Shan boqol iyo soddon kun oo Doollar).
Waxuu caddeeyay baaritaan ay sameeyeen inay ku oggaadeen, in Muxiyaddiin uu khasnadda ku riday lacag been abuur ah, dabadeedna uu la baxay middii rasmiga ahayd ee ku jirtay.
Guddoomiyaha ayaa inta ku daray in ninka qaatay lacagtaas aan la garanayn halka uu ku sugan yahay oo uu baxsaday.
Bashiir Ciise Cali ayaa ka codsaday shacbiga Soomaaliyeed in dowladda gacan lagu siiyo sidii loo soo qaban lahaa ninka dhacay hantida dowladda ee lagu aamminay.
Dadka dhaqaalaha falan-qeeya ayaa shirka jaraa’id ee guddoomiyaha bankiga dhexe kadib,waxaa ay dhaleeceeyn habka loo maamullo lacagta taalla bankiga,cadadka lacagta lala baxay oo badan awaadeed waxay ku sheegeyn inay tahay mid cid walba u caddeynaysa sida uu dayac uga jiro xisaab xirka bankiga.
Soomaaliya muddo soddon sanno ah ayay wali sugtaa dhaqaalo dibadda uga timaada,lakin waqtigan oo la joogo dad badan ayaa qabay waxuun inay isbadaleen,waxaase warka ka soo baxay bankiga dhexe uu hadaan ka tuuraya rajada laga qabay maareynta hantida dowladda.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...