Sunday 24 July 2016

Kenyatta oo ka dalbadey Marekanka iyo Midowga Yurub inay xoojiyaan dhismaha ciidamada milatariga Soomaaliya


13754647_1345907065437843_6665519683620689361_n
Nairobi (RBC Radio) Madaxweynaha dalka Kenya,Uhuru Kenyatta ayaa ka dalbaday dowladda Marekanka iyo ururka Midowga Yurub inay xoojiyaan doorkooda ay ku caawinayaan Soomaaliya sidii ay u dhisi laheyd ciidamadeeda,taaso sura-galinaysa in laga hortago khatarta amniga ee ay dalka ku hayaan kooxda al-Shabaab.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu la qaatay maalintii Jimcaha kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, Linda Thomas-Greenfield oo booqaneyso Kenya.
War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka Mr. Kenyatta iyo Linda Thomas ayaa lagu xusay in Kenya ay ku boorrineyso dalalka uu Mareykanka kamid yahay in ay xoojiyaan dadaalka dhismaha ciidamada booliiska iyo kuwa militariga ee Soomaaliya si ay gacan buuxda ugu qabtaan nabadda dalka.
13770444_1345907038771179_8186981688014093346_n
Linda Thomas-Greenfield oo iyadina kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in Mareykanka ka jawaabay dalab uu madaxweyne Uhuru Kenyatta u gudbiyey Qaramada Midoobey oo ku aaddan in la kordhiyo gargaarka militari ee la siiyo Soomaaliya.
Waxaa ay sheegtay in Mareykanku qaadayo qorshe lagu mideynayo dhammaan dalalka dhinaca militariga ka taageerra Soomaaliya si taageeradaas meel la isugu geeyo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ballaaran ugu jirta dhismaha iyo tayeeynta ciidamada qalabka sida si ay si buuxda ammaanka dalka ula wareegaan marka ay baxaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...