Tuesday 28 June 2016

Marekanka oo dhaariyay safiirka uu usoo dirayo Soomaaliya 25 sanno kaddib


2
Muqdisho (RBC Radio) Siyaasadda Marekanka iyo Soomaaliya ayaa waji cusub galaysa,markii caasimadda Washington lugu dhaariyay safiirka dowladda Marekanka u soo direyso Soomaaliya markii ugu horreeysay muddo badan iyo shan sanno kaddib.
Safiirkan oo lagu magacaabo Stephen Schwartz,Waxuu noqonaya safiirka rasmiga ah ee Marekanka u qaabilsan Soomaaliya,Waxaana bishii May ee sanadkan ansixiyay aqalka Senate-ka.
Madashada safiirka cusub lugu dhaariyay,Waxaa goob-joog u ahaa ku-xigeenka kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibadda u qaabilsan Afrika, Diblomaasiyiin iyo saraakiil ka socotay Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka.
Ku-xigeenka kaaliyaha arrimaha dibadda Maraykanka Anthony Blinken, ayaa xafladii dhaarta safiirka Maraykanka ee Soomaaliya wuxuu ka sheegay in Soomaaliya ay horumar sameysay balse ay wali jiraan caqabaddo dhinacyada siyaasadda, dadaallada xasilinta iyo waliba caqabadaha dhinaca dib u kabashada dhaqaalaha iyo dagaalka Soomaaliya kula jirto argagixisada.
Safiirka Maraykanka ee Somalia, Stephen Schwartz oo isna hadal jeediyay ayaa sheegay in in-kasto Soomaaliya ay gacan ka heshay ciidamada Midowga Afrika, balse loo baahan yahay abuurista ciidan Soomaali ah oo al-Shabaab ka adkaada.
“Waxaa imika la joogaa wakhtigii ay mas’uuliyiinta Soomaaliya ay abuuri lahaayee ciidamo qaran oo Soomaali ah oo waxtar leh, jawaabna bixin kara, si ay uga adkaadaan al-Shabaab sidoo kale u mideeyaan dalka.” ayuu yiri Stephen oo jeedinaya hadalkan markii ugu horreeysay tan iyo markii loo magacaabay safiirka Marekanka ee arrimaha Soomaaliya.
Madaxweyne Obama yaa magacaabay safiirka cusub, waxaana lagu bedelay haweeney Catherine Dhanaani oo xilka safiirnimo isaga casishay sababo shaqsi awgeed.


    Marekanka ayaa xafiiska diblumaasiyadeed iyo ciidamadii kala baxay Soomaaliya sanadkii 1993,marka oo maleeshiyo hubeysan ay ku soo rideen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho diyaarad nooca qumaatiga ku kacda ah,waxaana weerarka ku dhintay 18 askari oo Marekan ah.
    __
    RBC Radio

    No comments:

    Why cows may be hiding something but AI can spot it

      By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...