Wednesday 27 May 2015

Somaliland oo Jabisey Shuruucda Caalamiga ee (Isir-Sooca Qaxootiga)!


By Hussein Farah - Horseed Media
somaliland_flagMaamulka Somaliland ayaa todobaadkan shaaciyey inuu joojiyey Qaxootigii ka imaanayey dalka Yemen gaar ahaan Qaxootiga Soomaalida oo uu sheegay in amnigooda uu khatar ku yahay.
Somaliland ayaa go’aankeeda siyaabo kala geddisan ku micneysay, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay in ay joojiyeen Qaxootiga Soomaalida maadaama aysan hay’adaha caalamiga ah u heyn wax gargaar ah, balse Wasiirka Dib u dejinta Soomaaliland oo go’aankan faah-faahiyey ayaa sheegay inuu salka ku hayo dhanka Amniga.
Wasiirka Dib u dajinta Somaliand Cali Siciid oo hogaaminayey wafdi ka socday xukuumada Soomaaliland oo tagay xeryaha lagu hayo qaxootiga ayaa sheegay in go’aanka Soomaaliland ay ku joojisay Qaxootiga aysan ahayn dhamaan qaxootiga balse la mamnuucday Qaxootiga Soomaalida ah oo kaliya!
Tani ayaa micnaheeda ah dadka Yementa u dhashay iyo wadamada kale waa imaan karaan Somaliland balse Soomaalida oo kaliya la joojiyey wuxuuna yiri;
“….Warbaahinta ayaa u fasiratay in la joojiyey qaxootiga oo dhan balse Xukuumadda Somaliland go’aanka waxay ku joojisay dadka Soomaaliya ee ka imaanaya Yemen ee qaxootiga ah…OO KALIYA…Go’aan buu ahaa ay Xukuumada qaadatay…..Sababta loo qaatay oo loojoojiyey maaha xumaan loo qabo ee sababtu waxay ahayd AMAANkii dalka Somaliland ayaa looga shakiyey, sida Qaramada Midoobay iyo caalamka cadeeyeen in jeelal (Xabsiyo) badan oo Yemen la Jabsaday, in dad badan oo ah kuwa mishaakilka ka shaqeeya laga yaabo inay Xeebaha kasoo degaan..”
Wasiirka ayaa si cad u sheegay in si gaar ah loo joojiyey Soomaalida qaxootiga ah oo kaliya tani oo ah isir sooc qaxootiga lagu kala sameeyey, waxayna jabineysaa sharciga caalamiga ah ee u yaal Qaxootiga iyo magan-gelinta dadka rayidka oo ay kamid yihiin;
The Universal Declaration of Human Rights (UDHR) Article 14: “everyone has the right to seek and to enjoy in other countries asylum from persecution.”
Sidoo kale go’aanka Soomaaliland aya jabinaya Sharciga
[International Covenant on Civil and Political Rights]
Article 2. 1. Each State Party to the present Covenant undertakes to respect and to ensure to all individuals within its territory and subject to its jurisdiction the rights recognized in the present Covenant, without distinction of any kind, such as race, colour, sex, language, religion, political or other opinion, national or social origin, property, birth or other status.
Dooda Amniga
Arrinta Somaliland sheegtay ee ah in amnigeeda u baqday maadaama Xabsiyada Yemen ka baxsadeen dad ka tirsan kooxaha Argagaxisada, waxaase la yaab ah maxaabiista ka baxsaday xabsiyada Yemen waa kuwo asal ahaan u dhashay Yemen oo la yaqaan welina lama sheegin wax Soomali ah oo ku jira dadkaas.
Somaliland waxay sheegtay in Qaxootiga asal ahaan Yemen kasoo jeeda ay dhulkeeda imaan karaana, halka Soomaalidana loo diiday. Arrintan ayaa meesha ka saareysa dooda ah in go’aanka amniga la xariiro.
Waxaa arrintan wel-wel xoogleh ka muujiyeyn Hay’adda Xuquuda Aadanaha ee Qaramada Midoobey ee fadhigeedu yahay Geneva.
Sharci yaqaan ku takhasusey arrimaha bini’aadanimada iyo soo galootiga ayaa Horseed Media u sheegay in sharci ahaan Somaliland ay ku mudan karto in maxkamad caalami ah laga dacweeyo, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka saxiixey heshiisyada caalamiga ah ee isu socodka iyo Qaxootiga.
Ugu danbeyntii Musaafrika iyo martidu waa wax dhaqanka soo jireenka ah ee Islaamka ka mid ah, marka laga yimaado shrucuuda caalamiga ah, waxaana Somaliland la gudboon in dadka ka qaylinaya Berbera ulla dhaqmaan si bini’aadanimo, islaamnimo iyo Walaalnimo isla markaana u soo anbabixiyaan, goboladii ay ka yimaadeen.
Horseed  Media

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...