Wednesday 5 November 2014

Shirkada Albayrak oo malaayiin doolar ka soo xarootay Dekeda Muqdisho ku wareejisay dowladda (Sawirro)

War saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Shirkada Albayrak ee laga leeyahay dalka Turkiga oo muddo bil ka hor la wareegtay Maamulka Dekeda Muqdisho ayaa sheegay in mudadii bilka aheyd ee ay gacanta ku heysay Dekeda ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay malaayiin doolar.
Shirkada ayaa sheegtay in dhaqaale fara badan uu ka soo xarooday Dekeda, isla markaana ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay qidmadii ay saamiga u laheyd oo gaareysa 1.582,000 million dollars.
Maareeyaha Guud ee Shirkada Albayrak Mustafa Lavent Adali iyo Xasan Nuur Maxamed Ibraahim oo ah kaaliyaha Maareeyaha Shirkada Albayrak oo la hadlay saxaafada ayaa uga warbixiyay waxbqadkii mudada bilka aheyd ee ay Shirkadu gacanta ku heysay Dekeda Muqdisho.
Maareeyaha Guud ee Shirkada Albayrak Mustafa Lavent Adalo ayaa sheegay in Dekeda Muqdisho ay horumar weyn ay gaartay mudadii bilka aheyd ee ay maamulayeen.
“Dekeda magaalada Muqdisho waxay gaartay horumar lixaad leh oo la taaban karo Mudo kooban oo hal bil ah. bishaas oo ay maamuleysay shirkada turkiga ee Albayrak”ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Shirkada Albayrak.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhaqaale ka heli jirtay dhanka canshuuraha, hase ahaatee ay haatan dowladdu wax soo saar kale oo xaga dhaqaalaha ay ka heshay Dekeda oo ah shaqada Dekeda ka socoto.
“Maanta waxaan maamulka Dakada ee dowlada ku wareejinay Lacag dhan ( halmilyan iyo shan boqol sideetan iyo laba kun Dolaka Mareyanka ah $1582.000″ayuu yiri Maareeyaha Shirkada Albayrak Mustafa Lavent Adali.
Maareeyaha oo sii ahdlayay ayaa yiri “Waxaan rajeyneynaa in dakada Muqdisho ay noqon doonto Deked casri ah, Tani waa markii ugu horeysay oo mudo 20 sano ah ee Dowladdu ka hesho xaga Dekeda dhaqaale intaa la eg, waxaana aad u rajeyneynaa in dhaqaalaha Dekeda dowlada uga soo xaroodo uu si weyn u sii kordhi doono Mustaqbalka Dhow”.
“Horumarka Dhaqaale ee ay Dekeda ku talaabsatay ayaa wuxuu imaanayaa, iyadoo qarashkii Ganacsatadu bixin jireen aan kor loo qaadin, Balse Qiimo dhimis loo sameeyey Badeecahada Ganacsatada qaarkood sida Containerka 40feet ah waxaa laga bixin jiray $600 waxaana hoos u dhignay 11% waxaana hada la bixiyaa $540 kaliya”ayuu yiri Maareeyaha Guud ee Shirkada gacanta ku heysa Dekeda Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Cotainerka 20feet horay loo bixin jiray $400 halka maantana la bixiyo $350, taasoo uu tilmaamay inay tahay qiimo dhimis ka badan14%, Sonkorta waxaa la Bixin jirey takii $17 Dolar halka hada laga dhigay $16.8 Tan-kiiba
Waxaa uu tibaaxay in qaraashaadkii Dekeda lagu bixin jiray hoos loo dhigay, iyadoo dhaqaale fiican uu dalka helayo, taasoo uu tilmaamay inay maslaxad u tahay dowladda iyo shacabkaba sida uu yiri.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in mudadii bisha aheyd ee ay maamuleysay Shirkada Albayrak Dekeda Muqdisho ay ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ay qabteen qalab ciidan oo si sharci ah uu dalka ku soo galayay, waxaana uu uga mahad celiyay dadaalkooda iyo wada shaqeyntooda.
Waa markii u horeysay ee Shirkada Albayrak ay soo bandhigto dhaqaalaha ay dowladda Soomaaliya ku wareejisay mudadii bilka aheyd ee ay gacanta ku heysay Dekeda Muqdisho, taasoo ah markii u horeysay oo dhaqaale intaas la eg la shaaciyo in Dekeda uu ka soo xaroodo muddo bil ah.
Albayrak dakada  (2)Albayrak dakada  (3)Albayrak dakada  (6)Albayrak dakada  (9)Albayrak dakada  (10)Albayrak dakada  (11)Albayrak dakada  (13)Albayrak dakada  (15)Albayrak dakada  (20)

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...