Monday 21 July 2014

Kuma ayuu ahaa Marxuum C/Shakuur Maxamuud Gureey oo Geeridiisa Puntland iyo Qurbaha markii laga maqlay la wada Murugooday?

 2014-07-21 15:41:28

Shil ay ka naxeen Maamulka iyo Shacabka Puntland ayaa ka dhacay Tuuladda Birta-dheer ee Magaaladda Garoowe iyo Gaalkacyo u dhaxayso.

Allaha u Naxariistee Agaasimihii Maalgashiga Puntland kana tirsanaa La Taliyayaasha Madaxweynaha Puntland ayaa Gaari uu watay iyo Gaari shacab la socday isku dhaceen,waxaana ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Marxuum C/Shakuur Maxamuud Gureeey ayaa ka mid ahaa Xubnaha ugu fir-fircoon Jaaliyadaha Puntland ee Waqooyiga Ameerika(North-America)waxaana uu ahaa Shaqsigii aas-aasay Hey'adda Daryeelka iyo Arimaha Bulshadda ee Puntland,isagoo Xukuumadii Gaas Reysalwasaaraha ka ahaa Agaasimihii Madaxtooyadda (Cheif-Of-Staff) iyo La Taliyaha Qaaska ah ee Reysalwasaarihii hore hadana Madaxweyne ka ah Puntland.

Marxuumka ayaa ka soo baxay Jaamacaddo Waqooyi-Mareykanka ku yaal,waxaana uu xiliga shilka galayay ku mashquulsanaa Ceelal biyo uu ka qodayay Puntland,isagoo Ceelal badan ka qoday Tuulooyin biyo la'aan aha balse hadda Biyihii uu qoday lagu liibaanayay,waxaana dhimashadiisa laga tebi-tabay guud'-ahaan Puntland iyo Qurbaha.

Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo Saaxiibo qaas ah ay ahaayeen Marxuumka iyo Xukuumadiisa iyo dhamaan Shacabka Puntland ayaa geeridan kedisa ah ka naxay,balse qof walba waqtigii loogu tala-galay ayuu ifka ka tagayaa,Adeer C/Shakuur waxaa Alle u qoray inuu Bil Ramadaan Geeriyoodo,waxaana Alla uga baryeyna inuu Qabrigiisa u nuuriyo,Janadii Fardoowsana ka waraabiyo (Aamiin Yaa Rabbi)

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...