Tuesday 24 June 2014

Xaad oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Dawladda Federaahlka

Xaad oo ku dhawaaqay Dagaal ka dhan ah Dawladda Federaahlka uguna baaqay Xildhibaanada Hawiye inay Dawlada isaga baxaan 2014-06-24 00:57:0720Gudoomiyaha Beesha Hawiye Nabadoon Xaad ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Dawladda federaalka,isagoo ugu baaqay Xildhibaanada iyo Wasiiradda Beesha Hawiye inay isaga baxaan Xukuumadda uu Madaxweynaha u yahay Madaxweyne Xasan Culusoow.Nabadoon Xaad ayaa ugu baaqay Beesha inay isugu timaado Shir afgooye ka dhacaya oo looga soo horjeedo Gobolka Shabeelada-Hoose in la raaciyo 2-da Gobol ee Bay iyo Bakool,iyadoo si rasmi ah shalay Dawladda Federaalka u aqoonsatay Maamulkii 3-da Gobol.Qeyladda iyo Cabaadka ka soo yeeray Nabadoon Xaad ayaa ku soo aaday xili ay Dabaashaad ku jiraan Beesha Biimaal oo si rasmi ah loogu ogolaaday inay ku biiraan Maamulka 3-da Gobol,iyadoo ay soo af-jarantay ruwaayadii beenta aheyd ee Nabadoon Xaad iyo Nabadoon Axmed-Diiriye ay wateen ee la magac-baxday  Shabeele-State.Waxaa xusid mudan Muqdisho inaysan rajjo laheyn inta Xaad iyo Axmed-Diiriye iyo Dadka ku fikirka ah ay Maalin-walba Dagaal iyo duulaan in lagu qaado Gobolka Sh/Hoose ka shaqeynaya iyagoo horey u baneeyay inay banaan-tahay Dhiiga Beesha Biimaal wacadna ay ku mareen inay ka xoreynayaan Gobolka Sh/Hoose,inkastoo hadda Reer Sh/Hoose ay faraxsan-yihiin marba hadii 3-da Gobol ee Bay,Bakool iyo Sh/Hoose la isku daray lana ogolaaday inay noqdaan Maamul Goboleed la mid ah Puntland iyo Jubbaland la Caabudo Wiil 13-Jir ah oo Seynta Daanyeerka Dhabarka uga soo baxay:Qalinkii:La Yaabka Sh-MediaDaawo:Su*aalo-adag oo M/weyne Xasan Culusoow la weydiiyay iyo Jawaabihii uu isku Difaacay)Shirkii Maalgashiga Soomaliya ee Sweden Stockhlom ka socday oo la soo gaba-gabeeyay (Sawirro)by TaboolaSponsored ContentFrom

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...