Tuesday 24 June 2014

Wasiirka Arrimaha Guddaha oo khilaafey Dawladda

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawlada Federaalka oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Heshiiskii Lagu Aqoonsaday Maamulka Saddex Gobol Koonfur Galbeed

Posted on June 24, 2014Raad Raaca, RBC, Wararka

Jabuuti (RBC) Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka dawlada Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa dhaliilay heshiiskii shalay ay dawladu ku aqoonsatay mamulka saddexda gobol ee Koonfurta Galbeed kaasoo muran iyo khilaaf uu ka taagnaa.

Wasiir Goodax oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa isagoo wareysi siiyay idaacadda BBC laanteeda Soomaaliga ayaa wuxuu sharci darro ku tilmaamay heshiiskaasi isagoo sheegay in la farageliyey shaqadii wasaaradiisa.

“Waxay ahayd in marka hore lagu mashquulo xoreynta goobaha ay Al Shabaab haystaan, waxaad arkeysaa in inta badan meelaha la sheegayo in maamulo loo sameynayo aaney xorba ahayn.” ayuu yiri wasiirka.

Goodax ayaa sheegay in wasaaradiisa aysan waxba kala socon heshiiska shalay ay wada saxiixeen dhinacyadii isku hayey maamulkakoonfur galbeed kaasoo ka kooban 11 qodob oo dhigaya in maamul ka kooban saddexgobol oo dhamaan dhinacyadu ku wada jiraan la sameeyo.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in heshiiska aanu waafaqsaneyn sharciga iyo dastuurka hadda dawladu ku dhaqanto, isagoo sheegay in wasaaradiisa ay weli ku hawlan tahay sameynta sharciyada loo baahan yahay in lagu hago maamul dhisida gobollada dalka, sida uu sheegay.

“Marar badan ayaa sidan oo kale dhacday, haddan waxaadarkeysa in buuq badan arrintan ay dhalisay oo dad badan oo diidan ay jiraan, marka waxaan qabnaa in dadka deg dega ku jiro ee u ordaya maamulo sameynta inay marka hore sugaan inta sharciga looga sameynayo.” ayuu yori Goodax.

Dhawaaqa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka ayaa soo baxay iyadoo munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho oo ay goobjoog ka ahaayeen madaxweynaha, raysal wasaaraha iyo afhayeenka baarlamaanka lagu saxiixay heshiiska aqoonsiga maamulka koonfur galbeed.

Hadalka wasiirka ayaa lagu micneeyay khilaafaadka muuqda ee xubnaha dawlada dhexdeeda ka jira iyadoo arrintan ay gaarsiisan tahay heer illaa madaxtooyada.




No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...