Tuesday 8 April 2014

Kumannaan Qof oo Somali ah oo weli lagu hayo Garoonka Kasarani ee Nairobi


                                                                                                                              

Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Kumannaan ruux oo Soomaali ah ayaa lagu hayaa garoonka kubadda cagta ee Kasarani oo ku yaalla magaalada Nairobi, kuwaasoo laga soo qabqabtay xaafadda Islii oo ay daggan yihiin Soomaalida.
Dadkaas ay ciidamadu gacanta ku hayaan ayaa waxay isugu jiraan rag, dumar uur leh, caruur iyo dhallinyaro, kuwaasoo dhammaantood Soomaali ah, iyadoo lasoo sheegayo inay goobtaas ku haysato dhibaato.
Howlgallada ay booliiska Kenya ka wadaan xaafadda Islii ayaa ah mid guri-guri ah oo ay ciidamadu kula soo baxayaan dadka gurigaas ku jira, iyadoo saraakiisha sare ee booliiska Kenya ay sheegeen in howlgalladan ay socon doonaan inta ammaanka Nairobi ay adkeynayaan.
Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid uu amarkiisa bixiyay Uhuru Kenyatta oo ah madaxweynaha dalka Kenya, kaasoo la sheegay in lagu doonayay in lagu qab-qabto Soomaalida sharci-darrada ah.
“Dadka aan sharciga haysan waxaa dib loogu celinayaa xeryaha Qoxootiga, haddii ay doortaanna waxaa dib loogu celinayaa dalkoodii Soomaaliya, iyadoo aan taas u sii marayno safaaradda Soomaaliya ee Kenya,” ayaa laga soo xigtay xubno saraakiil ah oo ka tirsan dowladda Kenya.
Xaafadda Islii oo ah goob ay ganacsi badan ku haystaan Soomaalida ayay booliiska Kenya gudaha u galaan markii ay qaraxyo ka dhacaan magaalada Nairobi, iyadoo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin qaraxyadaas.
Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaannada baarlamaanka Kenya ay xukuumadda ka dalbadeen in wax laga qabto sida ay howlgallada uga socdaan Nairobi, iyagoo sheegay in Soomaalida marka lasoo xiro la iibsado, balse waxaa weli muuqata in howlgalladu ay Islii kasii socdaan.
Magaalooyinka dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacayay falal ay ka mid yihiin qaraxyo geystay dhimashada iyo dhaawaca dad fara badan oo Kenya, Soomaali iyo ajaanib kale ah, kuwaasoo billowday markii ay Kenya ciidamadeeda u soo dirtay Somalia dhammaadkii 2011.
Weerarradan ayaa waxay Kenya ku eedeynaysay  Al-shabaab, inkastoo Al-shabaab ay sheegatay dhowr qaraxyo iyo weerarro ka dhacay Kenya oo uu ka mid ahaa kii lagu weeraray xarunta ganacsiga Westgate Mall oo ay ku dhinteen 67-qof.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlinemaxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...