Tuesday 25 March 2014

Xoogaga Al-shabaab oo jidka u galay ciidamo Itoobiyaan ah oo ku wajahnaa degmada Ceelbuur


                                                                                
Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa inuu saaka ka dhacay degaano u dhexeeya Ceel-qoxle degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Wararku waxay sheegayan in dagaalku uu bilowday markii xoogag taabacsan Al-shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ay wateen ciidamada dowlada iyo kuwa Itoobiya oo ku sii siqayey degmada Ceelbuur.

Labada dhinac aya waxaa dhexmaray dagaal la isku adeegsaday madaafiic iyo rasaas culus kaasoo sababay khasaare isugu jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kala gaaray dhinacyada halkaas ku hardamay inkastoo tirakoob sax ah aan laga heynin.

Xoogaga Al-shabaab ayaa wada dagaalo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay ku dhabar jebinayaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo todobaadyadii u dambeeyey kala wareegay degaano badan, qaar kalena hadda ku sii socda.

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com
Webmaster@dayniile.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.comWebmaster@dayniile.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...