Sunday 23 March 2014

Shariif Xassan Sheekh oo Baydhabo gaaray iyo banaan bax looga soo horjeeda oo halka ka dhacay

 

Shariif Xasan Sheekh Aadan
Shariif Xasan Sheekh Aadan
Baydhabo[RBC Radio]Magaalada Baydhabo waxaa maanta isqabsadey dibad bax ballaaran oo looga soo horjeedo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya,Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan xilligaanna ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya,kaaso maanta Baydhabo gaaray.
Banaan baxa looga soo horjeedey Shariif Xassan,waxaa uu bilowden ka hor inta aysan soo caga dhigan diyaaradi Baydhabo kentay ,waxaana ay u muqdeen banaan baxayaasha kuwo horay loo diyaariyey.
Waxaa la arkayey dadweyne careysan oo banaanka garoonka diyaaradaha isku soo baxay ka hor inta aysan diyaarada soo degin, iyagoo taayaro gubay, waxaana dadweynaha ay ku qeylinayeen erayo ay ka mid yihiin “Dooni meyno dooni meyno Shariif Xasan”.
Dibaxbax lugu diidan yahay iman shiyaha Sharid oo Baydhabo ka dhacay
Dibaxbax lugu diidan yahay iman shiyaha Sharid oo Baydhabo ka dhacay
Dadka isku soo baxay waxaa ay sheegen inay ka careysanyihiin imaan shiyaha Baydhabo uu ku yimid guddoomiyihii hore ee baarlamaanka,kaaso hormuud uu ah shir la doonayo in maamul loogu sameeyo saddex gobol.
Docda kale warar an ka helnay saraakisha ka howlgasha garoonka diyaaradaha ee Baydhabo,waxaa ay sheegen in Shariif Xasan ay la socdaan saraakiil Itoobiyaan uu ka mid yahay Jen. Gabre iyo siyaasiyiin kale, waxaana qorshaha Shariifka uu tagay Baydhabo ka mid tahay dhameystirka dhismaha maamulka saddexda gobol.
Shirka uu hormuudka u yahay Shariif Xasan ayaa ah mid taageero ka heysta dowladda Soomaaliya,waxaana la sheegay kulamo uu la qaatay madaxda dowladda inay u sheegen inay taageeri doonan dhismaha shirka saddexda gobol.
Banaan baxayada magaalada Baydhabo maanta ka dhacay,waxaa la sheegay inay soo abaabulen siyaasiyinta dhawaan ku dhisay Baydhabo shirka lixda gobol,wali saxaafadda lama usan hadlin Shariif Xassan balse waxaa lugu wada inuu ka warbixiyo socdalka uu Baydhabo ku yimid.
______
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...