Monday 31 March 2014

Puntland oo guda galaysa nidaamka ay shacabku wax ku doortan[Sawirro]

 

IMG_5010
Garoowe[RBC Radio]Madaxweynaha dowladda Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo maanta xarig jaray xarunta Wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federaalka Iyo Dimuqraadiyaynta Ee Dawladda Puntland,ayaa sheegay inay Puntland guda galayso hanaankii ay shacabka wax ku dooran lahaaayeen.
Xalfad ballaaran oo furitanka xarunta loo qabtay,waxaa ka soo qeyb-galay madaxweynaha Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji cumar Camay,halka sidoo kale ay goob-jog ahaayeen qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland , maadaama ay Wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federalka Iyo Dimuqraadiyaynta Puntland xiriir wanaagsan la leedahay dhammaan Wasaaradaha kale.
Saraakiil ajnabi ah oo ka socday beesha caalamka oo ka yimi dalka dibaddiisa ayaa goob joog ahaa munaasabadda lagu daah furayay Wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federalka Iyo Dimuqraadiyaynta Puntland , waxayna muujiyeen inay ku faraxsan yihiin in wasaaraddani ay kusoo biirto wasaaradaha kale ee Dawladda Puntland.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federalka Iyo Dimuqraadiyaynta Puntland Sahra Siciid Max’ed ayaa faah-faahin ka bixisay shaqada rasmiga ah ee Wasaaradda, waxayna sheegtay in Wasaaraddu si qotta dheer ugu howl gali doonto sidii ay uga shaqayn lahayd Dastuurka, Arrimaha Federaalka Iyo Dimuqraadiyaynta isla markaana ay wax badan ka qaban doonaan shaqooyinka loo igmaday, hase yeeshee waxay dhamaan masuuliyiinta dawladda ka codsattay in garab lagu siiyo howlaha wasaaradda hor yaalla.
Sahra Siciid Max'ed
Sahra Siciid Max’ed
Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji cumar Camay ayaa sheegay in wasaaraddani ay muhiimad weyn u leedahay Puntland iyo shacabkeeda isla markaana ay si buuxda u taageeri doonaan.
Madaxweynaha Dowladda Puntand Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa soo dhoweeyey Wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federaalka Iyo Dimuqraadiyaynta Puntland , wuxuuna madaxweynuhu tilmaamay in ay si dhab ah uga shaqayn doonto Arrimaha Dimuqraadiyaynta oo shacabka Puntland ay sanadka 2019-ka ay codkooda ku dooran doonaan madaxda Puntland.
Wasaaradda Dastuurka,Arrimaha Federalka Iyo Dimuqraadiyaynta Puntland waa wasaarad ku cusub haykalka Dowladnimo ee Puntland, waxaana Madaxweyne Gaas uu noqday Madaxweynihii u horreeyey oo Puntland ka hir galiya Wasaarad shaqooyinkaasi qaban doonta.
IMG_4798 IMG_4805 IMG_4806 IMG_4810 IMG_4815 IMG_4818 IMG_4831 IMG_4838 IMG_4840 IMG_4848 IMG_4852 IMG_4859 IMG_4863 IMG_4865 IMG_4867 IMG_4870 IMG_4879 IMG_4885 IMG_4893 IMG_4899 IMG_4954 IMG_4959 IMG_4964 IMG_4965 IMG_4973 IMG_4982 IMG_4983 IMG_4997 IMG_5001 IMG_5010 IMG_5019 IMG_5021 IMG_5028 IMG_5030
IMG_5033 IMG_5040 IMG_5042

___
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...