Sunday 23 March 2014

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Max’ed Cali Gaas oo Kormeero Ku Tagay qaar ka mid Ah Xarumaha Dowladda ee Magaalada Bosaso(Sawirro)

 

DSC_3910Boosaaso(RBC Radio) Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiweli Max’ed Cali Gaas ayaa saaka 23,03,2014  kormeero kala duwan ku tagay qaybo ka mid ah xarumaha Dowladda ee gobolka bari, waxaana booqashadiisa ku weheliyay masuuliyiin ka tirsan golayaasha dowlada iyo saraakiisha ciidanka.
Madaxweynaha goobihii uu kormeerka ku tagay waxaa ka mid ahaa saldhiga Qaybta ee G/Bari,Saldhiga Biyo Kulule,Xabsiga Weyn ee Bosaso iyo xerada barakacayaasha oo ay ku nool yihiin dad soomaaliyeed oo waqti hore kasoo hayaamay colaada ka jirta qaar ka mid ah dalka.
Dhamaan goobaha uu tagay ayaa waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku qaabilay masuuliyiinta xarumahaasi, waxayna faah-faahin buuxda ka siiyeen shaqooyinka ay hayaan iyo xaaladda guud sida ay tahay.
DSC_3918Madaxweynaha ayaa sidoo kale salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka isagoo ku dhiiri galiyay shaqada ay hayaan, kuna adkeeyey inay ka shaqeeyaan xasilinta amaanka.
Xabsiga weyn ee Bosaso waxaa uu madaxweynuhu kula kulmay masuuliyiinta gacanta ku haysa, waxaana la tusay qaar ka mid ah baxabiista loo haysto danbiyada fudud iyo burcad badeednimada ,kuwaasi oo ku guda jiray xirfado si gaar ah loo baray oo ay ka mid yihiin, dhismaha guryaha,tolida dharka iyo waxyaalo kale,waxaana madaxweynuhu ku amaanay masuuliyiinta Xabsiga-weyn sida wanaagsan ee ay gacanta ugu hayaan dadka baxaabiista ah.
DSC_4041Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas waxa uu sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagay xerada ay ku nool yihiin dadka kasoo barakacay gobolada kale ee dalka , isagoo ka waraystay xaaladooda nololeed iyo arrimo kale, wuxuuna u sheegay in Dowladdiisu aysan ka hakran doonin wixii ay  awoodeeda ah.
DSC_4088Afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdllaahi Max’ed Jaamac “Quraan Jecel” oo warbaahinta uga xog waramay kormeeradii madaxweynaha ee Saaka, ayaa sheegay in ay kormeeradaasi ay salka ku hayeen sidii looga dhabayn lahaa balanqaadkii madaxweynuhu sameeyey xiligii doorashada.
DSC_4351Isla markaana loo ogaan lahaa xaaladaha dhabta ah ee ku sugan yihiin bulshada Puntland, isla markaana ay Dowladdu dabooli doonto bahiyaha dhinaca bulshada wixii ay awoodo.
DSC_3863 DSC_3869 DSC_3879 DSC_3892 DSC_3893 DSC_3894 DSC_3900 DSC_3901 DSC_3903 DSC_3905 DSC_3906 DSC_3908

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...