Friday 28 March 2014

Cabdi Qaybdiid:”Al-Shabaab waxay isku soo aruursaden Gaalkacyo tabar an isaga celinana maheyno”

 

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid
Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid
Gaalkacyo[RBC Radio]Cabsida laga qabo in dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab ay soo gaaran magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada kale ee nabdoon ayaa ah mid isi soo taraysa,madaxweynaha Galmudug oo arrintan ka hadlay waxuu sheegay in boqollaal ka tirsan Al-shabaab ay isku soo aruursaden Gaalkacyo.
Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid,waxuu tilmaamay inay xir xireen rag ka tirsan Al-shabaab,halka uu sheegay inay jiraan xubno kale oo iyaguna uu sheegay inay Gaalkacyo ku soo dhunteen.
..”"‘Saameyn ayey nogu yeeshen howlgallada looga qabsadey Al Shabaab deegaannadi ay joogen,balse waxaa Gaalkacyo soo gaaray dhammaanba dagal-yahannadi Al Shabaab qar kood way hubeysanyihiin inay dhibaato gestan bayna diyaar u yihiin,awood an isaga difaacno malihin,waxaana jirta in xabsiyadu naga buuxan,…”"”"ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.
Cabdi Qaybdiid,waxuu ku baaqay in laga taageero la-dagaallanka Al Shabaab,waxuuna cadeeyey inay soo buuxiyen Gaalkacyo iyo deegaanno kale ee nabdoon,dowladda ayuuna ugu baaqay inay Al-shabaab kula dagaallaman deegaannada ay usoo firxadeen.
Cabsida ku aadan firxadka Al-shabaab ayaa waxaa mid la mid ah dareenka Galmudug ka qabto, la wadagta Puntland,waxaana dhowr mar ay sheegtay Puntland inay suragaltahay inay ku soo dhuntaan deegaanno ka tirsan.
Tan iyo markii xoogga Al-shabaab laga saaray inta badan gobollada koonfered iyo bartamaha dalka ayaa waxaa soo baxayey inay soo gaaren dhulka nabadu ka jirto si ay ugu dhuntaan.
Docda kale hoggaanka AMISOM ayaa sheegay inay hoggaamiyasha Al-shabaab ay u carareen deegaannada Puntalnd iyo magaalada Muqdisho kaddib markii ay sheegen in laga qabsadey deegaannadi ay maamuli jireen.
_____
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...