Tuesday 25 February 2014

Haweeney ka shaqeysa Tallaalka Dabeysha oo lagu dilay Muqdisho

                                                                                                                                         
Talaado, Feberaayo 25, 2014 (HOL) — Haweenka sida mutadawiciinta ah uga shaqeeya tallaalka magaalada Muqdisho ayaa ayay kooxo ku hubeysan batoolado ku dileen degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Saddex dhallinyaro ah oo ku hubeysan ayaa toogasho haweeneydan toogasho ku dlay, iyadoo maraysay meel ku dhow isgoyska xaafadda Xararyaale ee degmada Wardhiigley.
Dilka haweeneydan ayaa waxaa xaqiijiyay wiilkeeda oo ka mid ah saxafiyiinta ka howlgala warbaahinta madaxa-bannaan ee magaalada Muqdisho.
Illaa hadda lama oga cidda ka dambaysa dilka haweeneydan; waana markii ugu horreysay ee dil loo geysto shaqaalaha tallaalka cudurka halista ah ee dambeysha ka shaqeeya.
Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa waxaa ka socda barnaamijka ololaha talaalka cudurka dabaysha iyadoo ay iska kaashanayaan barnaamijkan hay’ada UNICEF, WHO iyo dowladda Soomaaliya.
Tan iyo markii laga helay dad qaba cudurka dabeyssha deegaanno ka mid ah Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa la kordhiyay ololaha looga hortagayo cudurkan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay barnaamijkan furtay sannadkii hore.
Hase yeeshee deegaannada ay maamulaan Alshabaab ayaa laga mamnuucay in dadka ku nool laga tallaalo cudurka dabaysha caruurta oo uu si ba'an u waxyeelleeyo.
Sidoo kale, waxaa lagu dilay xaafadda suuqa xoolaha ee Muqdisho haweeney ka ganacsata shaaha, iyadoo aan la ogeyn cid dilkeeda ka dambeysay.
Dhanka kale, waxaa xalay lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir laba ruux oo isku qoys ahaa, kuwaasoo kala ahaa haweeney iyo wiil ay dhashay, iyadoo kooxihii dilayna ay baxsadeen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlinemaxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...