Friday 10 January 2014

Khilaafka Maayarka iyo Maayar ku Xigeenka Boorame oo Xoogeystay

                                                                                                                                         
Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Iyadoo inta badan goleyaasha deegaanka ee sannadkii hore la doortay laga dayrinayo shaqadooda ayaa waxaa weli taagan murankii u dhexeeyay maayar iyo maayar xigeenka degmada Booram ee xarunta gobolka Awdal. Taasoo ay dadweynuhu siyaabo kala duwan uga hadleen.
Tan iyo markii loo doortay maayarka, Saleban Xasan Xadi iyo maayar ku xigeenka Borama, Maxamed Faarax Dheerayste, waxaa u dhexeeyay kala aragti-duwanaasho marba marka ka dambeys soo xoogeysanaysay, iyadoo midba mid kale la raadinayo dabin iyo dagaal.
Toddobaadkii hore ayay warbaahintu warisay inay labada mas’uul gacanta uu dhex-maray gacan ka hadal aan khasaare geystan, kaasoo ka dhashay muran ay labadan mas’uul ku murmeen dhul dan-guud ah oo la dhisayay.
Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxay mas’uuliyiintan soo kala saareen laba qoraal oo labaduba amar ah oo ku saabsanaa dhul laga dhisyo kaalin shidaal, iyadoo taasi ay layaab ku noqotay shacabka degmada oo u arkay in labadan mas’uul ay iyaga isku muuqdan oo ay iloobeen xilkii loo doortay.
Magaalada Boorama ayaa laga dareemayaa muranka xoogeysnaya ee labada mas’uul u dhexeeya, iyadoo arrintu ay gaartay in xitaa murankooda lagu soo qaato khudbooyinka Jimaha.
“Sidaad la socotaan waxaa beryahan dambe soo bax-baxaayay dambiyo isku dhac ah oo ka dhashay shaqadii aan guddoomiye ku xigeenka u xilsaaray oo noqotay in masaajidda khudbadaha nagu soo daraan. Sidaas awgeed waxaa guddoomiye xigeenka la farayaa inuu joojiyo shaqada dhulka illaa khaladka jira la saxayo,” sidaa waxaa qoraal kusoo saaray maayarka.
Maayar ku xigeenka ayaa isna soo saaray qoraal jawaab u ahaa qoraalka ka soo baxay maayarka, isagoo ku yiri: “Anigoo tixraacaaya warqadda uu qoray guddoomiyaha golaha deegaanka Boorama waxaan halkan ku sheegayaa in inuusan guddoomiyuhu shaqada iga joojin karin, waayo iima xil-saarin wax shaqo ah. Guddoomiye iyo guddoomiye xigeenkaba waxaa si isku mid ah u wada dooraty golaha deegaanka ee Boorama. Haddaba, shaqadayda waxaa joojin kara golaha oo keliya, shaqaduna way soconaysaa.”
Qaar ka mid ah shacabka degmada Boorama oo ka hadlay arrintan ayaa yiri: “In laba mas’uul oo noocan ah ay xil u qabtaan Borama oo ah magaalo hal-bawle u ah Somaliland waa ayaan darro, waxaana golaha deegaanka iyo odayaasha magaalada la gudboon inay ka taliyaan bal sidii loo sixi lahaa labadan mas’uul isla markaana loo heshiisiin lahaa, sababtoo ah haddii uu khilaafkoodu intan muuqata dhaafo waxay dhaawac ku keeni doonaan shaqadii loo xushay inay dadweynaha u qabtaan, taas oo imikaba fadhiid noqotay.”
Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda ma jirto wax xal ah oo labadan mas’uul ay murankooda ka gaareen, waxaana gabi ahaan hakad ku yimid hawlihii iyo mashaariicdii dowladda hoose gacanta ku haysay, iyadoo guddoomiye ku xigeenka golaha deegaanka Boorame, Maxamed Muxumad Dheerayte oo maanta saxaafadda la hadlay uu ka warramay khilaafka kala dhexeeya maayorka degmada Boorama.
Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Onlinekhadra@hiiraan.com
Boorama, Somaliland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...