Wednesday 1 January 2014

Halkaan ka ogaaw sida ay u dhaceen Qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho

Xilli Xalay Weeraro Ismiidaamin ah ay ka dhaceen Nawaaxiga Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayaa Shabelle waxa ay heshay sheeko ku saabsan qaabka ay u dheceen qaraxyadaasi.
Markii uu dhacay Weerarka Koowaad ee loo adeegsaday Gaariga Noah-da ah ayaa Waxaa is qabsatay Rasaas dhinac waliba ah oo ay Ridayeen Ciidamadii Ilaalada Hoteelka Kuwa kale ee dowladda ee ku sugnaa Nawaaxiga Garoonka iyo Rasaas kale oo ka soo dhaceysay Gaari kale oo Noah –ah.
Ciidamada ayaa Rasaas ooda kaga furay Gaariga  Noah-ada ah oo yiilay gidaarka Hoteelka waxaana qudhiisa ka soo dhaceysay Rasaas.
Mid ka mid ah Dadkii saarnaa Gaariga ayaa ku qeylinayay “ Waar Maxaad noo leyneysaan waxeynu nahay Ciidanka Nabad Sugida ee Naga joojiya Xabadda” ciidamada ayaa intaas kadib la sheegay in ay ka joojiyeen Xabadda waxaana a ku caawiyeen Gaari Ambulus ah oo ay ku qaataan qof dhawac ah oo xabad ay isha uga dhacday iyo meydka qof  kale.
Saacad kadib marka ay bexeen Raggaasi ayaa waxaa isla goobta ku qaraxday Gaarigii Noah-da ahaa ee yiilay Goobta.
Qaraxyada ayaa la sheegay in dadkii ku dhintay ay ka mid ahaayeen Taliyayaasha Degmooyinka Wardhiigleey iyo Shangaani ee Gobolka Banaadir.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...