Monday 20 January 2014

C/kariin Guuleed iyo Biixi oo ka Hadlay Heshiiskii ay wada Saxiixeen

                                                                                                                                   
Axad, Janaayo 19, 2014 (HOL) — Wasiirka amniga Qaranka dowladda Somalia, C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis oo kala hoggaaminayay wafdiyadii dowladda Somalia iyo Somaliland ayaa ka warbixiyay heshiiskii ay maanta ku kala saxiixdeen magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Labada wasiir oo u warrramayay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa qiray in wada-hadalladu ay kusoo dhamaadeen guul ayna ku faraxsan yihiin heshiiska ay kala saxiixdeen, iyagoo intaas ku daray in wadahadalladu ay sii socon doonaan inta heshiis rasmi ah laga gaarayo.
“Heshiiska waxaa ka mid ahaa in la sameeyo hannaan ay kusii soconayaan wadahadallada, waxaan sidoo kale ka hadlay sidii loo fulin lahaa heshiisyadii horay loo gaaray, gaar ahaan qodobka ku saabsan maamulka hawada Soomaaliya. Runtii wadahadalladu waxay ahaayeen kuwo si fiican oo niyad wanaag ah ku billowday, inkastoo mararka qaarkood doodo iyo meelo yar oo adag ay galayeen, waana ku faraxsan-nahay heshiiska la saxiixay,” ayuu ku yiri C/kariin Xuseen Guuleed wareysigiisa.
Su’aal ahayd inay isla garteen waqti lasoo afjarayo wadahadallada iyo in kale ayaa kaga jawaabay inaysan taas isla gaarin, laakiinse ay ku heshiiyeen in saddexdii biloodba mar ay kulmaan, balse kulammada dambe ay ku jaan-goyn doonnaa xilliga wadahadallada lasoo afjarayo.
“Waxyaabaha kale ee aan ku heshiinnay waxaa ka mid ah in qodobbada lagu heshiiyay loo kala hormariyo fulintooda sida ay u kala fudud yihiin, kuwa culusna dib loo dhigno, waayo ahmiyadda ugu weyn waa in kalsooni la abuuro, sidoo kalena la suuliyo waxyaabaha caqabad noqon kara, markaas kaddib ayaa loo gudbi karaa qodobbadii dhabta ahaa in laga wada-hadlo," ayuu yiri mar kale yiri wasiirka oo sharraxayay qodobbadii ay labada wafdi kawada hadleen.
Isagoo sii hadlaya Guuleed ayuu yiri: "Innaga haddaan nahay dowladda federaalka Somalia hadafka ugu weyn ee aan wadahadalladan u wadno waa mid cad oo ah sidii midnimadii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa, uguna qancin lahayn walaalaheen sidii ay ugu soo laaban lahaayeen xayn-daabka dowladnimada Somalia, waana wax laga wadahadli doono sidii ay ugu soo laaban lahaayeen midnimada Soomaaliya.”
Mar la weydiiyay waxay wafdiga Somaliland ka yiraahdeen arrintan ayuu ku jawaabay in qodobkaas aan si cad la iskula soo qaadin, laakiin ay iyagu mar walba ka dhahayeen sida ay u arkaan, waxaanse doonaynaa in qodobkan laga hadlo marka laga gudbo qodobbada lagu dhisayo kalsoonida, markaas ayaana si wanaagsan uga wada-hadli doonno.
Sidoo kale, wasiirka amniga Somalia waxaa la weydiiyay su’aal ahayd sida ay u dhigeen qodobka ku saabsan in la wada-cambaareeyo dhibaatadii ay dowladda milateriga ahayd ee Soomaaliya ka geysatay Somaliland ayaa ku jawaabay: “Waxaan isla garanay inaan kawada garowno dhibaatadii ay geystay dowladdii milateriga ahayd, taasoo ah xanuun dhamaanteen na wada taabanaya, waan ka garownay waana wada cambaareynay.”
Ugu dambeyn, Guuleed wuxuu sheegay inay 90-maalmood kaddib isku arki doonaa labada dhinac shir kale oo ka dhici doona magaalada Istanbuul, inta ka horreysana ay sameeyaan guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeeya sidii lagu hirgelin lahaa qodobbadii lagu heshiiyay.
Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland oo isagana wargeysi uu heshiiska kaga warbixinayay siiyay VOA-da ayaa sheegay in qodobbadii ay kawada hadleen iyaga iyo wafdiga dowladda Soomaaliya uu ugu weynaa arrinka ku saabsan xasuuqii dadka reer Somaliland loo geystay oo labada dhinacba ay isla garteen in la wada cambaareeeyo loona arko inay ahayd xumaan la gaarsiiyay dadka reer Somaliland.
“Waxyaabaha kale ee aan kawada hadlanay waxaa ka mid ah in la sameeyo guddi heshiiska hirgeliya, waxaan kaloo isla garannay in la sameeyo xafiis joogto ah oo ka shaqeeya wada-hadallada iyo fulinta heshiisyadii la gaaray oo fadhigiisu noqon doono magaalada Istanbuul. Qodobbadii kale ee aan ka hadlanay waxaa ka mid ah in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Somaliland ay arrimahooda kala tashan karaan aqoonyahanno wax kala qabta. Waxaan kaloo isla garanay in hay’adaha caalamka aan warbixin ka siinno wadahadallada halka ay marayaan si dunida oo dhan u ogaato oo labadeenna keliya aan nagu koobnaan. Sidoo kale waxaan ka hadalnay in beesha caalamku ay kasoo qaybgasho wadahadallada oo halkii aan isku mari waynno si wadajir ah loo abbaaro,” ayuu yiri Maxamed Biixi Yoonis.
Mar la weydiiyay sida labada dhinac uu isugu soo dhaweyn karo qodobka ku saabsan ka garowshiyaha dhibaatadii ay geysatay dowladdii milateriga ahayd ayaa ku jawaabay inay ku faraxsn yihiin in la aqoonsado lana ogaado in xasuuq iyo dhibaato badan loo geystay dadka reer Somaliland, waana ku faraxsan-nahay buu yiri in arrinkaas laga wadahadlo oo miiska lasoo dhigo inkastoo ay muddo badan qaadatay haddana waa mid lagu farxo in maanta la isla gartay in la wada cambareeyo dhibaatadaas, waana ogahay in dadka reer Somaliland ay ku diirsan doonaan arrinka ku saabsan cambaareynta dhibaatadaas.
“Wadahadalladu waa sii soconayaa mana jiraan wax reebban in laga wada-hadlo, laakiinse Somaliland waxay horay ugu dhawaaqday gooni-isku-taag in la isla fahmo arrintan waxaan u mari doonnaa wadahadal. Qaabka ay ku socon doonaan wadahadallada ee aan dhigannay waa kuwo ku jiheysan sidii aan uga wadahadli lahayn arrimaha culus,” ayuu wareysigiisa kusoo gunaanaday wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Arrinta ku saabsan gooni isku taagga Somaliland iyo midnimad Soomaaliya oo ay labada wasiir ka dhawaajiyeen ayaa waxay u muuqataa mid ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlinemaxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...