Saturday 28 December 2013

Maamulka Afgooye oo qeylo dhaan ka muujiyay Ammaanka degmadaasi…Sawiro



Xildhibaanno Baarlamaanka Ka tirsan,  Saraakiil iyo Waxgarad ka soo jeeda Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa maanta waxa ay booqasho ku tageen degmadaasi.
Booqashada Xubnahani ayaa ka dambeysay kadib dil Xalay Gudaha degmada Afgooye loogu geystay Nabadoon ku dhaqnaan Gudaha Degmadaasi kaasi oo Lagu Magacaabi jiray Suldaan C/qaadir Suldaan Baliile oo isagu Maanta lagu aasay Gudaha Degmadaasi Afgooye.
Maamulka Degmada Afgooye oo Masuuliyiin ka tirsan  ay Saxaafadda la hadleyn ayaa waxa ay qeylo dhaan ka Muujiyeen Xaaladda ammaan ee degmadaasi iyagoo ku eedeey in amni darrida halkaasi ka jirtaa ay ku lugleeyihiin Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya.
C/llaahi Axmed Ibeey Guddoomiyaha Degmada Afgooye oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday dhanka kale in dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Gudaha Degmada Afgooye qorshaha iyo u jeedka laga leeyahay ay tahay in lagu carqaladeeyo Ammaanka degmada sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in Degmada loo soo celiyo Ciidamadii Buliiska iyo Kuwa Nabad Sugida balse aan lagu  halleyn ammaanka degmada Ciidamada Milatariga oo uu sheegay in qudhooda ay qeyb ka yihiin Falalka amni xumi dadka degmada ka geysta.
Xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan ( Cali Ganeey ) oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa isagoo ka mid ahaa Masuuliyiinta Maanta booqashada ku tagay degmada Afgooye waxa uu sheegay in wax amaan ah uusan ka jirin degmada Afgooye.
Si kastaba Xalay ayaa Degmada Afgooye waxaa lagu dilay Nabadoon Caan ahaa oo la sheegay in ay qaarijyeen Kooxo bastoolado ku hubeeysnaa oo aan Heybtooda la aqoon.
DSC09724DSC09725DSC09692DSC09695DSC09697DSC09701DSC09705DSC09709DSC09713DSC09718DSC09722DSC09723

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...