Saturday 28 December 2013

DEG DEG: Isimada Puntand oo isku khilaafsan Go’nkii soo baxay.


r
Garoowe (RBC RADIO) isimada Puntland Go’aankii ay maanta soo saareen waxaa ka maqnaa oo aan ku sugnayn Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse iyo Suldaan Siciid Maxamed garaase oo Isimadii nugaaleed ah iyadoo la sheegayo in Isimo kale ay maqan yihiin, lamana garanayo wax yaabaha dhabta ah oo ay isimadu isku khilaafsan yihiin iyadoo horay loo ogaa in khilaafku uu u dhexeeyey Musharaxiinta iyo Madaxweynaha hadase ay isimadii u Gudubtay.
2da Isin iyo Salaadiin kale ayaan Goob joog ahayn Kulankii Shalayto galab Isimadu yeesheen iyo kii maanta Go’aanka laga soo saaray iyadoo aysan jirin cid wali wax war ah Saxaafada ka siisay Khilaafka Isimada u dhexeeya iyo waxyaabaha is diidan oo ay isku mari la’yihiin, dadka Qaarkii ayaa hadal haya In isimadu ay la kala Safteen Musharaxinta halka warar kale ay sheegayaan in Isimada qaar ay isku khliaafeen Shir gudoominta oo Burhaan boqor Muuse uu isagu isu soo taagay halka mar walba shir gudoonka uu ahaan jiray Islaan Ciise Islaan Maxamed, waxaa kaloo la sheegaya in uu qayb ka yahay khilaafku arimaha soo xulista Xildhibaanada qaasatan Gobolka Nugaal gaar ahaan Burtinle oo midba uu gaarkii u sheegtay in uu isaga soo xulidoono Islaan Ciise iyo Islaan Bashiir.
Si Kastaba ha ahaatee. Qaramada Midoobay  ayaa ku riixaysa isimada in ay Go’aan deg deg ah qaataan waqtiga doorashooyinkana aan laga dib dhicin inkastoo waqtigu uu aad u yaryahay Walina aan la shaacin Xildhibaanada lana kala hufin Musharaxiinta badan ee xilka Puntland isu soo taagay.
Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Raxanreeb Online.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...