Thursday 12 December 2013

Al Shabaab oo dagaall xoogan ku soo qaaday Baydhabo


Baydhabo oo uu dagaal ka dhacay
Baydhabo oo uu dagaal ka dhacay
Baydhabo[RBC Radio]Dagaal yahanada dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda ee Al Shabaab ayaa xalay weerar xooggan ku soo qaday guddaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Waxaa la sheegay in saddex jiho ya ka soo galeen ciidamada Al Shabaabka,magaalada Baydhabo,waxana goobaha Al-Shabaab ka soo weerareen magaalada Baydhabo  ka mid ah waddo ka timaada degmada Waajid, dhinaca Baar Bakiin ee wadada Xamar aada iyo suuqa balka, halkaasoo ahaa goobo fariisin u ahaa Al Shabaab.
Sidoo kale dagaallku waxaa uu ka dhacay oo ay weeraren  Al Shabaab saldhigga booliska ee xaafadda Howlwadaag ee magaalada Baydhabo, halkaasoo iska hor imaadka ugu culus uu ka dhacay.
Gudd ahaan waxaa la sheegaya in si isku mid ah looga darreemay magaalada dagaalka socda,iyadoona dagaallku uu dhaliyey in la isku adegg sado hubka cul culus,inkasto iska caabin xoogan ay sameeyen ciidamada dowladda iyo kuwo AMISOM.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM,waxaa ay isticmaalen hubka cul culus  oo ay isaga difaaceen weerarada Shabaab ku soo qaaday.
Al Sahabaab oo soo weeraray Baydhabo
Al Sahabaab oo soo weeraray Baydhabo
Mahad C/raxmaan oo ah  taliyaha ciidamada booliska gobolka Baay ayaa warbaahinta u sheegay inay iska caabin xooggan kala hortaheen,weerar uu ku sheegay inuu gaadmo ahaa ayna kusoo qaaden Al Shabaab,waxaa uu inta ku daray taliyuhu in dagaallka uu uga dhaawacmay hal askari.
…”"”‘Weerar gaadmo ah ayey soo qaaden laakin waxba kama aysan faa’iidin oo ciidamada dowladda ayaa iska caabin xoogan kala hortagayey,askartena hal askari baa ka dhaawacmay,ma jiro khasaare kale,mar walbana waan ka feejiganahay dagaallkaas oo kale….”"”ayuu yiri Mahad C/raxmaan.

Dhinaca kale dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalkii xalay uu ahaa kii ugu cuslaa muddooyinkan ka dhaca magaalada, iyadoo xoogaga Shabaab gudaha u soo galeen bartamaha magaalada Baydhabo.
Ma jirto cid madaxbanan oo wali dagaallka ka hadashey,illaa haddana si buuxa  looma oga khasaaraha uu gestay,maadamaa uu ahaa dagaal culus,sidoo kale ma jiro wali wax hadal ah oo ka soo yeeray Al Shabaab oo ay ciidamadoodu weerarka soo qaaden.
_______
RBC Radio
Xafiiska Baydhabo

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...